IMG_0770.JPGHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar deg deg ah ugu kicitimay dalka Britain. socdaalka Madaxweynaha ayaa soo baxay xalay saacadihii danbe, balse waxa ku yimi dib u dhac, taas oo dhalisay

 

dareeno kala duwan.

Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta duhurkii ka raacay Diyaarad yar Madaarka Magaalada Hargeysa, isagoo diyaarad khaas ah ka raacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berebera, waxaana sii sagootiyay madaarka Hargeysa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Wakiiladda, Guurtida iyo masuuliyiinta Hoggaanka xisbiga talladda haya ee KULMIYE.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu safarkiisa ku sheegay mid shaqo oo dalka Britain ku waajahan, balse waxa uu xusay Madaxweynuhu inuu sii marayo dalka Kenya, wuxuuna xusay inuu dalka Britain wadahadalo kula yeelan doono Masuuliyiintaa dalkaa sida Wasiirka Arrimaha debedda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Ingiriiska.
Sidoo kalena waxa uu xusay inuu kala hadli doono masuuliyiinta Ingiriiska baaqii ay dhawaan muwaadiniintooda ugu baaqeen inay ka soo baxaan Somaliland sababo la xidhiidha cabsi Nabad-gelyo darro.

Madaxweyne Siilaanyo waxa socdaalkiisa ku weheliyay Wasiirrada Arrimaha debedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire Iyo Marwadda koowaad ee Somaliland.

Dhinaca kale socdaalka Madaxweynaha oo soo baxay xalay, ayaa dib u dhacay dhawr saacadood. kadib markii sida ay sheegeen xoggo la xidhiidha arrimahaa ay soo baxday khilaaf saaka Madaxtooyadu ku waaberiistay oo ka dhashay Magcaabista iyo xil ka qaadista Badhasaabada gobolada dalka, taas oo Madaxweyne xigeenka C/raxmaan Seylici ka cadhooday Badhasaabkii Gobolka Awdal oo xilka laga qaaday arrintaa oo abuurtay khilaaf dhexmaray Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, balse arrintaa oo hakisay safarka Madaxweynaha dhawr saacadood ayaa la xaliyay sida ay sheegayaan xoggaha shebekada Araweelonews heshay ee la xidhiidha arrintaa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *