Hargeysa(ANN)Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici oo ah ku simaha Madaxweynaha Somaliland, ayaa saaka ka hor intii aanu bilaabin

shaqadiisa xafiiskiisa u dalbay inay baadhitaan lagu sameeyo, si loo hubiyo inuu ka fayawyahay waxyaabaha qarxa.

Sida ay sheegeen warar laga soo xigtay dad ku dhow dhow kooxda la safan Madaxwene xigeenka ee qaybta ka ah khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxa xafiiska Madaxweynaha ee uu sii hayo ku  xigeenku la mariyay qalabka lagu baadho walxaha qaraxa, balse waxa laga waayay waxba, lama garanayo sababta Madaxweyne xigeenku u qaaday talaabadan shakiga iyo dareenka abuurtay iyo waxa ku dhaliyay cabsida intaa leeg iyadoo uu dalka siimaamulayo, maadaama Madaxweynihii ka maqanyahay dalka.

wararka qaar ayaa tibaaxaya in shakiga hadheeyay Madaxweyne xigeenku sii batay kadib khilaaf dhexmaray isaga Madaxweynaha ka hor intii aanu ka dhoofin dalka doraad, kaas oo ka dhashay isku shaandhayn uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay Badhasaabada dalka intooda badan, taas oo Madaxweyne xigeenku ka cadhooday. kadib markii xilka laga qaaday Badhasaabkii Awdal Mr. Sidci oo ka mid ahaaa kooxda sida gaarka ah ugu xidhan Madaxweyne xigeenka.

Hase yeeshee khilaafka ka dhashay arrintaa oo sababay in Madaxweyne Siilaanyo safar uu ku tegeyay dalka Britain hakad galo ayaa loo balamay soo noqodka Madaxweynaha. laakiin waxa jira dareeno kale oo khilaafka sii xoojiyay. kadib markii ay xalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ku jiray xalinta arrintaa ay isku maandhaafeen, kuwaas oo cirka ku sii laalay khilaafka u dhexeeya labada Oday, isla markaana debeda soo dhigay labada garab ee ku loolamaya awooda oo la kala safan labada Oday.
si kastaba ha ahaatee waxa muuqaalada dhacayaa wejigabax ku yihiin Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo u muuqda kuo boqnaha is jaraya isla markaana shaki iyo madmadaw ku abuuraya quluubta shacbiga soo doortay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *