Muqdisho(ANN)Agaasimihii Hay’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu hayay, wuxuuna sheegay inuu

 

aad iyo aad ugu faraxsan yahay iscasilaadiisa oo uu ku sababeeyay mid ka dhalatay kadib markii uu gudan waayey hawlihii amniga dalka iyo ka hortega falalka lagu waxyeelayo amaanka dalka Somalia.
Agaasimaha Nabadsugida Somalia Axmed Macallin Fiqi, waxa sidaa ka sheegay shir saxaafadded uu isugu yeedhay warbaahinta, kaas uu ku caddeeyey inuu iska-casilay shaqadaa, isagoo aan wax la tashi ah la samayn madaxda dalka iyo golaha xildhibaannada.

Dhinaca kale Iscasilaada Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida ayaa lala xidhiidhiyay in aanay ka madhnayn fadeexado dhinaca amaanka ah oo soo waajahay Dawlada Somalia iyo dhaleecayn kaga timi dawlada Hay’addaha Xuquuqda aadamaha oo ka dhalatay kadib markii dhowaan shaaracyada Magaalada Muqdisho la dhigay Maydadka koox dhalinyaro ah oo ku jiray xabsiyada, kuwaas oo Hay’adda sirdoonka u xidhnaa.

 

Sidoo kale waxa sababta is casilaada lala xidhiidhiyay falalka amaandarada ah ee sii kordhaya iyo dilalka shirqoolada ah oo kusoo batay Muqdisho mudooyinkii u danbeeyay, taas oo sida uu sarkaalku dhiniciisa qiray in ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *