Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qirtay in ciidamada dawladiisu ku kacaan falal dadka shacabka ah lagu baadhanayo iyo isbaarooyin ay dhigtaan

 

wadooyinka, taas uu sheegay inay sumcad xumo ku tahay qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sidaa ka sheegay mar uu maanta la hadlay Boqolaal ciidanka qaranka ah, wuxuuna  sheegay in aan La Maxkamadeyn Karin Askari aanu la socon Sarkaalkii Xukumayay, taas oo uu sheegay inay sumcad xumo iyo sharaf dhac ku tahay, wuxuuna wax laga Xumaado ku tilmaamay Jid Gooyooyinka Mararka qaar Ciidamada Dowladda ay dhigtaan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud waxa uu ku baaqay in wax laga qabto Jid gooyooyinka yaalla Waddooyinka isku xidha gobolada dalka, kuwaas oo sida uu sheegay caqabad weyn ku noqday isu socodka gaadiidka iyo bulshada.

Sidoo Madaxweynaha ayaa Carabka ku adkeeyay in Sumcad Xumo ay ku tahay  Ciidanka Qaranka Somalia in Askari lebisan dirayska Ciidamada Dowladda Soomaaliya uu dhac u Geysto Shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Somalia Daahir Aadan Cilmi ( Indhe Qarshe ) oo Ka hadlayay kulan Ammaanka lagaga hadlayay oo Ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sharaf dhac ay tahay in Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka uu hubkii uu Ku dagaalamayay Ka iibsado Cadowgiisa, wuxuuna ugu baaqay ciidanka inay joojiyaan Hubka iyo Rasaasta ay ku iibiyaan Suuqa

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *