Dubai(ANN)Wasiirka Madaxtooyadda dawladda Imaaraadka carabta Sh. Mansuur Binu Saa’id ayaa saaka si maamuus leh u qaabiley Weftigii madaxweynaha

 

Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kadib markii ay shalay socdaal shaqo ku tageen dalka Imaraadka.
Sida uu waraabinta dawlada u sheegay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali oo ka mid ah wefdiga  dawlada Imaraadku waxay aqbashay dhamaan codsiyadii uu Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu uga mahad celiyay dawladda Imaaraadka carabta marti-qaadka rasmiga ah ee ay u fidiyeen weftigiisa, waxaanu si qoto dheer ugaga waramay qodobadda ay xukuumadda Somaliland danaynayso in dawladda Imaaraadka carabtu wax kala qabto, kuwaas oo ay  ku  jiraan  mashaariic horumarineed oo la xidhiidha dhinacyada waxbarashadda, caafimaadka, wadooyinka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii maal-qabeenadda Imaaraadka carabtu u maal gashan lahaayeen khayraadka dihin ee Somaliland.

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay kulanka labada dhinac , iyadoo Madaxweynaha Somaliland  uu ka dalbaday dawladda Imaaraadka carabta inay dhamaystiraan ceelashii lagu balaadhinayay nidaamka biyaha ee Magaaladda Hargeysa oo ay hore u balan qaadeen in ay dhuumihii biyaha soo qaadayay ku rakibaan ceelashii laga qoday xunbo weyne iyo jaleelo oo ah duleedka Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ka codsaday dawlada Imaraadka Carabta inay wax kala qabtaan dhismaha jidka hal-bowlaha ah ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, sidoo kalena ay  hirgeliyaan laba cisbitaal oo casri ah oo ay hore u balan qaadeen inay ka dhisi doonaan Somaliland.

Mashaariicda kale ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kala hadlay dawlada Imaraadka ee ay ka wada hadleen Wasiirka Madaxtooyadda ee Imaaraadka carabta ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin sidii Imaraadku  Somaliland uga taageeri lahaayeen hirgelinta Dugsiyo cariya oo lagu barto farsamadda gacanta, taas Madaxweyne Siilaanyo ku dooday in ay wax ka tarayso shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaradda kala duwan ee dalka.

Dhinaca kale sida u sheegay afhayeenka Wefdiga Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in  Wasiirka Madaxtooyadda Sh. Mansuur Binu Saa’id oo ka hadlay kulankaasi sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku yimid dalkaasi waxaanu xusay in dawladiisu ay Somaliland ka saacidi doonto horumarinta adeegyadda aasaasiga ah. Waxaanu balan qaaday inay fulin doonaan qodobadda uu madaxweynuhu hor dhigay.

Wuxuuna Wasiirka Madaxtooyadda Imaraadka Sh. Mansuur waxa uu weftiga Somaliland ka codsaday inay nashqadda dugsiyadda iyo cisbitaalada ay u baahan yihiin ka soo eegtaan dalka Imaaraadka si looga dhiso magaalooyinka Somaliland.

Sida uu sheegay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Kulankaasi waxa uu ku dhamaaday is afgarad, waxaanay labada dawladood isku waafaqeen inay ka wada shaqeeyaan sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *