Hargeysa(ANN)Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa maanta xilkii ka qaaday  Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinaka, isla markaana masuul kale u magcaabay xilkaa. Sidoo kalena bedelaad ku sameeyay saraakiil kale

oo Booliska ah.
.Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland, balse warar la xog ogaal ah oo la xidhiidha xilka qaadista iyo isku bedelka qaar ka mid ah saraakiisha Booliska Somaliland waxa shebekada Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sanqadhi Dubad xilkii ka qaaday maanta Taliyahii  Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka Taraafiga Somaliland Axmed  Il-kacase, isla markaana xilkaa loo magcaabay Cali  gaada-yare oo hore u ahaa Taliye Saldhig.
Sidoo kale waxa Taliye Sanqadhi xilkii ka qaaday laba Saraak oo kuwa ugu cad cad Booliska Somaliland, isla markaana lagu majeerto hufnaan iyo daacadnimo shaqadooda ah, kuwaas oo kala ah  Maxamed Cilmi Cigge (Kabyar) oo waqtigan ahaa Taliyaha Degmadda Dacar-budhuq iyo Axmed Maxamed Guutaale oo ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Sool. Lama garanayo sababta isku bedelaada saraakiishan ee xiligan, balse xoggo shebekada Araweelonews heshay ayaa sheegaya in Taliyaha ciidanka wadooyinka oo dhowaan shaqaaqadii gobolka Sanaag u raacay wefdigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha guduhu ay saamayn ku yeelatay xilkiisa, iyadoo lala xidhiidhiyay inuu wada shaqayn dhow la leeyahay wasiirka arrimaha gudaha, isla markaana labada sarkaal ee kale ayaa iyagana lala xidhiidhiyay xil ka qaadistooda inay xidhiidh la leeyihiin wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, taas oo Gen. Sanqadhi doonayo inuu meesha ka saaro.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *