Muqdisho(ANN)Mudanayaasha Dawlada taagta daran ee Somalia ayaa gacanta isula tegey maanta Kadib markii khilaaf weyni ka alloosmay xil ka qaadis ay mudanayaasha qaarkood shalay sheegeen inay ku sameeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Adan. Hase yeeshee mudanayaal

ka mid ah

Baarlamaanka oo maanta doonayay inay xarunta Baarlamaanka ku  qabtaan Fadhi ayaa khilaaf ka dhex aloosmay markii Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdi weli Muudeey oo wata koox kale oo mudanayaal ah soo galay, isla markaana   uu damcay in uu fadhiisto kursiga Guddoomiyaha, maadaama gudoomiyaha kooxda kale sheegeen inay xilka qaadeen dalka ka maqanyahay, isla markaana aanu gudoomiye xigeenku joogin fadhiga kooxdaasi ku sheegeen inay xilka kaga qaadeen gudoomiyaha  Balse kooxda kale ayaa qaylo bilawday, taas oo sababtay inay gacanta isula tagaan mudanayaashu.
Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Muudeey ayaa  ugu baaqay xukuumadda inay arrintaa ka hadasho, isagoo sheegay in haddii Madaxweyne  Shariif ka aamuso ay noqonayso inuu raali ka yahay in la jebiyo heshiiskii Kampala ee Uganda. Wuxuuna ka dayriyay khatarta ka iman karta murankaa iyo khilaafka ka taagan Baarlamaanka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada taagta daran ee Somalia Shariif Sh Axmed  ayaa ka hadlaya Xil kaqaaditsa  mudanayaasha Baarlamaanku ku sheegeen inay xilkii ka qaadeen fadhi ay yeesheen shalay gudoomiyaha Baarlamaanka,  wuxuuna  Sheekh Shariif qoraal uu maanta kasoo saaray xafiiskiisa ku sheegay inuu ka wer wersanyahay  xaalada dalka Somalia, isagoo ka codsaday mudanayaasha  inay joojiyaan khilaafka, sidoo kale wuxuu qoraalkaa ku sheegay Shariif inay xukuumaddu ka baaraandegey waxa dhacay.
Si kastaba ha ahaate Khilaafka  ka cusboonaaday Baarlamaanka aan awooda lahayn ee magac u yaalka iyo dawladda taagta daran ee Somalia ayaa u muuqda mid xaalada cirka kusii shareeraya, isla markaana fursad siinaya mucaaridka kooxaha Al-shabaab  ee dagaalka ba’an kula jira ciidamada AMISOM ee ilaaliya dawladda iyo Baarlamaanka  Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *