Hargeysa(ANN) Wefdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Xukuumadda Somaliland ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal booqasho todobaadyo ah ugu baxaya dalka china maalinta Jimcaha 16 Dec, 2011, sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay caawa xafiiska

 

xisbigaa oo uu ku saxeexanyahay xoghayaha guud Xasan Siciid Yuusuf.
Qoraalkaa oo sharaxaad kooban lagaga bixiyay ujeedada booqashada China ee Gudooyinaha KULMIYE iyo xubnaha safarkaa ku weheliya ayaa u qornaa sidan: “Wefti ka socda Xisbi-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kulmiye, ayaa maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 16,Decemebre, 2011 socdaal ugu kicitimaya Dalka Jamhuuriyadda Shiinaha.
Weftiga Xisbiga Kulmiye waxa hoggaaminaya Guddoomiyaha xisbiga, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo xubnaha weftiga ka mid ah Masuulliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha Fulinta ee xisbiga Kulmiye, oo ay ka mid yihiin; Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah  Afhayeenka xisbiga iyo Mudane Axmed Cabdi Xuseen oo ah xidhiidhiyaha hawlaha xisbiga.
Socdaalka weftiga Kulmiye  ku tegayo dalka Shiinaha waxa uu ku saabsanyahay martiqaad rasmiya oo hoggaanka sare ee xisbiga talada haya Dawladda Jamhuuriyadda Shiinaha uu ku casuumay hoggaanka xisbiga Kulmiye.
Sida u qorshaysan mudada socdaalka weftigu ku maqnaan doono dalka Shiinaha waa muddo hal todobaad ah.
Masuulliyiinta xisbiga Kulmiye mudada ay booqashada ku joogaan Dalka Shiinaha waxay la kulmi doonaan madax sare oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriyadda Shiinaha.
Labada dhinac waxay yeelan doonaan wadahadalo ku saabsan xidhiidhka iskaashi iyo wax wadaqabsi oo dhexmari doona labada xisbi xaakim ee labada Jamhuuriyadood,  Shiinaha iyo Somaliland.
Waxa kale, oo weftiga Xisbiga Kulmiye la kulmi doonaan masuulliyiin ka tirsan Xukuumadda Shiinaha iyo madaxda qaar ka mid ah Shirkadaha gabacsi ee Shiinaha iyo kambaniyada caanka ku ah maalgashiga debedda.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Kulmiye.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *