Hargeysa(ANN)Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinaka, isla markaana masuul kale u magcaabay xilkaa. Sidoo kalena bedelaad ku sameeyay saraakiil kale
oo Booliska ah..Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland, balse warar la xog ogaal ah oo la xidhiidha xilka qaadista iyo isku bedelka qaar ka mid ah saraakiisha Booliska Somaliland waxa shebekada Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sanqadhi Dubad xilkii ka qaaday maanta Taliyahii Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka Taraafiga Somaliland Axmed Il-kacase, isla markaana xilkaa loo magcaabay Cali gaada-yare oo hore u ahaa Taliye Saldhig.
Sidoo kale waxa Taliye Sanqadhi xilkii ka qaaday laba Saraak oo kuwa ugu cad cad Booliska Somaliland, isla markaana lagu majeerto hufnaan iyo daacadnimo shaqadooda ah, kuwaas oo kala ah Maxamed Cilmi Cigge (Kabyar) oo waqtigan ahaa Taliyaha Degmadda Dacar-budhuq iyo Axmed Maxamed Guutaale oo ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Sool. Lama garanayo sababta isku bedelaada saraakiishan ee xiligan, balse xoggo shebekada Araweelonews heshay ayaa sheegaya in Taliyaha ciidanka wadooyinka oo dhowaan shaqaaqadii gobolka Sanaag u raacay wefdigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha guduhu ay saamayn ku yeelatay xilkiisa, iyadoo lala xidhiidhiyay inuu wada shaqayn dhow la leeyahay wasiirka arrimaha gudaha, isla markaana labada sarkaal ee kale ayaa iyagana lala xidhiidhiyay xil ka qaadistooda inay xidhiidh la leeyihiin wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, taas oo Gen. Sanqadhi doonayo inuu meesha ka saaro.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com