Caynaba(ANN)Taliyihii Saldhiga Booliska ee Degmada Caynaba Saleebaan Maxamed (Goraya- eri) iyo laba askari ayaa ku dhaawacmay. kadib markii ay saaka barqadii isku dayeen inay qabtaan Gaadhi nooca xamuulka Jaadka qaada oo ay leedahay shirkada

Qaadka 571 ee Ganacsade Af-diinle oo qaab tuugo ah ula garab maray cashuurta qaadka Kastamka Caynaba. sidoo kale waxa dhaawac soo gaadhay dareewalkii gaadhiga ay wateen booliska iyo Maamulaha Kastanka Farxaan Heelo.

Weriye ku sugan Degmada Caynaba, ayaa u sheegay shebekada wararka ee araweelonews in gaadhigaa oo ahaa gaadhigii Maayarka Degmada Caynaba Faysal Axmed Jaamac ay Taliyaha Booliska ee degmadaa iyo Maamulaha Kastanku kaxaysteen. kadib markii ay oggaadeen gaadhi kuwa qaadka ah oo dhinaca hawdka kasoo gudbayay, kaas oo ay saarnaayeen rag hubaysan, isla markaana la baxsanayay lacagta Cashuurta, balse markii ay eryadeen Booliska iyo Maamulaha kastanku uu ku dhacay gaadhigii ay wateen ee Maayarku  meel u dhaxaysa Tuulada Guumays iyo Yagoori . kadib markii tacshiirado rasaas ah lagaga soo furay gaadhiga qaadka ee shirkada Ganacsade Af-diinle oo ku baxsaday sidaa.

Warku wuxuu intaa ku daray in Taliyaha Booliska Caynaba xaaladiisa caafimaad liidato. kadib marii uu koomo galay, iyadoo ay shilkaa sidoo kale ku dhaawacmeen laba askari oo la socday iyo dareewalkii gaadhigaa, balse Maamulaha Kastamka Caynaba ayaan wax dhaawac ahi soo gaadhin.

Dhinaca kale gaadhi xamuul ah oo kuwa qaadka ka keena dalka Ethiopia ayaa saaka jiidhay bar Kaantarool yar oo ku taal dhinaca Koonfureed ee magaalada Hargeysa, kaas oo wararka qaar sheegayaan inuu maray xaafadaha Koonfurta Hargeysa, isagoo u socday dhinaca bariga, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in gaadhigaa oo aan sidan cadaymo muujinaya in shixnada qaadka uu sidaa tahay mid cashuuran lagu qabtay duleedka magaalada Berbera, iyadoo markaa ka dib la oggaaday inuu si tuugo ah ula baalmaray kastamka cashuurta qaadka uu siday.

Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa sanadka cusub qaadka ku kordhisay cashuurta, taas oo ay shirkadaha qaadku ka cadhoodeen, iyadoo shirkada ugu weyn shirkadaha qaadka keena Somaliland ee uu leeyahay Ganacsade Af-diinle qaadkii ka leexisay Kastamka ugu weyn ee  Kala -Baydh, isla markaana u wareejisay dhinaca Bali-gubadle. laakiin inta badan Qaadka ayaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay si tuuga ah usoo gala magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyadoo dhinaca gobolada bariga iyo qaadka u gudba dhinaca Puntland uu si qarsoodi ah u maro wadooyinka leexsan ee Hawdka, taas oo saamayn ku yeelatay dakhliga dawladu ka heli jirtay qaadka oo ah ka ugu badan ee cashuuraha soo gala dalka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *