MHargeysa(ANN)Maayarka cusub ee  Caasimada Hargeysa Eng.Yusuf Warsame Siciid, ayaa maanta xilka kala wareegay Maayirkii hore ee Hargeysa Eng. Xusseen Maxamuud Jiciir. munaasibad  balaadhan oo ay masuuliyiintaasi xilka kula kala wareegen ayaa lagu qabtay

 

Huteelka Shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibada xilka loogu kala wareejinayay Maayarkii hore ee Caasimada iyo Maayarka cusub, waxa ka qaybgalay Maayar xigeenkii hore iyo Maayar xigeenka cusub. sidoo kale waxa ka qaybgalay xildhibaanada golaha deegaanka ee cusub iyo xubnihii golaha deegaanka ee hore iyo Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, Golayaasha Baarlamaanka, Axsaabta qaranka iyo marti sharaf kale, iyadoo xubnaha

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur  Caraale Duur oo ka hadlay munaasibadaa ayaa sheegay in Maayarka cusub looga fadhiyo wax qabad, isagoo xusay inay wasaarad ahaan wax badan la qaban doonaan.
Gudoomiye xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin oo hadal ka jeediyay madasha ayaa  hambalyo u diray Maayarka cusub iyo golaha deegaanka ee Caasimadda,  kuwaas oo uu sheegay in looga fadhiyo sidii ay gudan lahaayeen xilka loo igmaday.

Maayarka xilka wareejiyay  Eng:Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in mudadii uu xilka Caasimada hayey ay u qabsoomeen waxqabadyo badan,  kuwaas oo uu tilmamaay inay u hir galeen sidii loogu tala galay, wuxuuna ku faanay in muddadii Tobanka sanadood ee uu  xilka hayay Shan sannadood ay muran kaga dhamaadeen.  Lakiin shantii sanno ee u danbeeyay wax qabteen, isagoo tusaale usoo qaatay in wadooyin badan ay ka hirgaliyeen Magalada Caasimada ah ee Hargeysa, isla markaana ay wax ka qabteen oo hagaajiyeen Bilicda Magaalada, wuxuuna xusay inay Magaalooyin badan oo dunida ah la mataanaysiiyeen Caasimada Hargeysa.

Maayarka Cusub ee Magaalada Hargeysa.Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo ka hadlay munaasibada  ayaa balan qaaday in ay u qorshaysan tahay  sidii ay wax uga qaban lahaayeen Magaalada, wuxuuna xusay inay jiraan mashaakilaad badan oo horyaala. Eng: Yuusuf Warsame  ayaa sheegay in shaqada dawladda hoose u xilsaaran tahay aanay ahayn mid laga sugayo xildhibaanada golaha deegaanka oo keliya,  laakiin guud ahaan dadweynaha uu xil ka wada saaran yahay.

Eng. Yuusuf waxa kale oo uu  sheegay  inay Caasimadda Somaliland tahay meeshii aynu tusi lahayn Caalamka. sidaa awgeed  loo baahanyahay  inaynu bilicdeeda sii ilaalino, hirgelinta hawshaasina ay u baahan tahay in yar iyo weyn dhinacyada la wada qabto, wwuxuuna Maayarka cusub ee Caasimadu  ballanqaaday in xubnaha Golaha deegaanku diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda.

Sidoo kale Badhsaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed C/llaahi Xamarji oo munaasibadaa ka hadlay ayaa ugu duceeyay Maayarka iyo ku xigeenkiisa in Illaahay ku asturo xilkaa culus ee loo dhiibay iyaga iyo xubnaha golaha deegaanka ee cusub.

 

Wax kale oo iyaguna munaasibadaa  ka hadlay Marwo Adna Aadan iyo wasiirka Cadaalada Xusseen Axmed Caydiid oo labaduba dar-daaran u jeediyay Maayarka cusub, ku xigeenkiisa iyo dhamaan golaha deegaanka cusub ee Hargeysa, ayaa sheegay inay golaha deegaanka cusub sugayso baahi badan oo ay qabto Caasimada Hargeysi, isla markaana loo baahanyahay inay la yimaadaan dedaal iyo wax qabad, iyagoo  Illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka ay la wareegeen.

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:”Table Normal”; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:””; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin-top:0in; mso-para-margin-right:0in; mso-para-margin-bottom:10.0pt; mso-para-margin-left:0in; line-height:115%; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:”Calibri”,”sans-serif”; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin;}

Araweelonews Mobile

Somaliland Office

E-mail; Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *