Gebilay(ANN)Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa go’aan ku gaadhay inay xabsiga kusii jiraan sideed haween ah oo ka mid ahaa ku dhowaad afartaneeyo dumar ah oo lagu eedeeyay maamulayaashii mashruuc caan noqday oo loo bixiyay Jiif oo Jaq.

Mashruucaa oo lagu lunsaday lacag dhawr Milyan oo dolar, Kadib markii boqalaal haween ah oo u dhashay Somaliland laga qaaday lacag, balse uu fashilmay mashruucaasi markii la waayay meel loo raaco lacagtaa.

 

Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale ayaa xabsiga u taxaabtay 40 haween ah oo lala xidhiidhiyay inay ahaayeen kuwii maamulayay mashruucaa 2009, balse horaantii 2010 ayaa lasii daayay dhamaantood. Laakiin 14 ka mid ah haweenkaa ayaa dib loo xidhay 2011, markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay xilka, waxaana isla sandkaa 2011, Maxkamadda gobolka Hargeysa xukuno kala duwan ku riday 14 haween ah oo maxkamadda horteeda la keenay iyo haweenay lagu eedeeyay inay ahayd Burjuwaasiyada ugu weydnayd ee mashruucaa oo iyadu maqane ahayd.    

Waxayna Maxkamadda gobolku laba ka mid ah Haweenkaa oo kala ah Saynab Cilmi Maxamed iyo Aamina Cabdi Daahir ku xukuntay mid walba saddex sanandood oo xadhig ah iyo inay bixiyaan lacagtii loo sheeganayay iyo ganaaxa Maxkamadda, iyadoo 12 haweenkaa ka mid ah ku xukuntay min sannad xadhig ganaax iyo inay bixiyaan lacagtii loo sheeganayay, waxaana saddex ka mid ah ay iibsadeen xadhigii,  kadib markii Afar ka mid ah Haweenkaa Maxkamadda Rafcaanku wax ka bedeshay 20 February 2012. xukunkii hore ee dumarkaa.

Waxaana la sii daayay Laba ka mid ahaa haweenka, balse laba kale oo ka mid ahaa Afartaa oo magacyadoodu yihiin Shukri Cawke Faarax iyo Nimco Cali Muxumed oo garsooraha maxkmadda rafcaanka ka socday sheegay in labadaa dumar ah marka ay dhamaystaan xukunka ee ay bixiyaan ganaaxa maxkamaddu ku xukuntay ay bixi karaan, ama ay iibsan karaan.

Haweenayda magaceedu yahay Nimco Cali Muxumed oo garsooraha Maxkamadda rafcaanku ka socday wax ka bedelay xukunkooda, waxa uga hadhsanaa xukunka sannadka ah ee hore loogu xukumay laba bilood, waxayna iibsatay mudadii u hadhsanayd, isla markaana waxay bixisay ganaaxii. Laakiin haweenayda kale Shukri Cawke Faarax ayaa iyadu ku hadhay xabsiga, iyadoo uu dhamaaday xukunkii lagu riday.

Hase yeeshee Haweenkaa oo tiradoodu ahayd 14, waxa weli ku jira xabsiga Gebilay 8 ka mid ah, kuwaas kala ah Saynab Cali Maxamed iyo Aamina Cabdi Daahir oo iyaga xukunkoodu ahaa sadex sadex sannadood, halka 6 ka mid ah Haweenkaa oo kala ah. Aamina C/llaahi Cismaan, Cibaado Qurux, Ubax Cumar Maceesh, Xadiya Maxamuud Xirsi, Khadra Cali Ciid iyo Shukri Cawke faarax oo hore loogu xukumay mid walba sanad xadhig ah uu dhamaaday xukunkii hore ay ugu riday maxkamadda gobolku, kaas oo maxkamadda rafcaankuna ku raacday feb 20 2012.
Laakiin Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maalintii shalay amar ku bixisay in lasii hayo todoba ka mid ah Haweenkaa oo xukunkoodu dhamaaday 14 April 2012, waxayna qaraarkeeda ku sheegtay in ay xabsiga ku jirayaan ilaa ay bixinayaan lacagtii loo sheegnayay, isla markaana ay sidoo kale bixinayaan ganaaxa Maxkamadda ee hore loogu xukumay.

Hase yeeshee Haweenayda magaceedu yahay Shukri Cawke Faarax , ayaan la horgeyn  shalay Garsooraha ka socday Maxkamadda sare sida ay sheegayaan xoggo la xidhiidha arrintaa, taas oo xukunkeedu dhamaaday, isla markaana ka mid ahayd dhawr haween ah oo Go’aanka maxkamadda rafcaanku wax ka bedelay xukunkooda 20 February 2012, taas oo la waayay cid muduci ku ah. Sidaa awgeed Garsooaha ka socday Maxkamadda rafcaanku amar ku bixiyay in haweenaydaasi marka ay dhamaysato xukunkaa hore ama ay iibsato labadii bilood ee u hadhsanaa, isla markaana bixiso ganaaxa ay bixi karto, maadaama la waayay cid muduci ku ah. Laakiin Shukri waxay weli ku xidhantahay xabsiga Gebilay, iyadoo xukunkeedu dhamaaday 14 April 2012, taas oo aan arkin Garsoorka ka socday Maxkamadda sare ee la horgeeyay haweenka todobada ah ee xukunada xukunkoodu dhamaaday, balse weli lagu hayo xabsiga oo Maxkamadda sare amar ku bixisay inay kusii jiraan xabsiga ilaa ay bixnayaan lacagta loo sheeganayo iyo ganaaxa lagu xukumay.
Shukri Cawke Faarax, waxay Hooyo dhashay sadex caruur ah oo Agoon ah oo ka kooban laba hablood iyo wiil, kuwaas oo markii Hooyadood la xidhay ay soo waajaheen duruufo adag oo Nololeed, isla markaana loo qaybiyay caruurtaa dad ay qaraabo iyo ehel yihiin sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen dad xog ogaal  u ah xaaladeeda. Sidoo kale waxay dadka la socda xaalada haweenaydaasi ka dayriyeen caafimaadkeeda mudadii ay xabsiga ku jirtay, kadib markii ay xaalad caafimaad daro soo waajahday mudadii ay xabsiga ku jirtay, waxayna  qaar ka mid ah Haween la socday duruufaha Hooyo Shukri u qaadhaameen qadar  lacag ah ka hor intii aanu dhamaan xukunka lagu riday 14 April 2012, si ay ugu iibsato maadaama xukunkeedu fududaaday oo ay wax ka bedeshay Maxkamadda Rafcaanku. Laakiin waxa loo diiday inay iibsato, iyadoo aan la garanayn sababta ay ilaa hada u xidhantahay ee ugu jirto Hooyadaasi xabsiga gebilay, isla markaana aanay jirin cid u dhaq-dhaqaaqaysa arrinta haweenaydaa oo laga dayriyay xaalada caafimaad ee ay ku sugantahay iyo calaamatu su’aal saaran sababta ay weli xabsiga ugu jirto.

warbixino ay hore uga qortay shebekada araweelonews Haween ku xidhnaa xabsiga gebilay oo qaarkood ku dhaleen caruur yar yar, isla markaana dhibaatooyin soo waajaheen  ayaa wax weyn ka bedelay xaaladii ay ku jireen, kuwaas oo lasii daayay mudo ka dib markii la shaaciyay warbixintaa oo xanbaarsanayd murugo. halkan ka akhri warbixinahaa hore oo badhtamihii sanadkii hore lagu baahiyay shebekada araweelonews http://araweelonews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2740:xaalladda-xabsiga-gebilay-oo-laga-dayriyay-duruufaha-haweenka-ku-jira-nollosha-ay-ku-noolyihiin-iyo-dhaqamada-yaabaka-leh-ee-haweenka-maamula&catid=1:article&Itemid=7

sidoo kalee markii lasii daayay Haweenkaa warbixintaa ka dib waraysi ay siiyeen shebekadda araweelonews.com  oo ay kaga hadleen duruufihii ay la kulmeen iyo sidii loola dhaqmay halkan ka ka akhriso. http://araweelonews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2755:-luggaha-aan-ka-kici-kari-laahay-waxa-sabab-u-ah-duruufihii-adkaa-ee-xabsiga-nagu-helay-iyo-dumarka-askarta-ah-oo-suun-faraha-lugaha-nagala-dhici-jiray-hooyo-aamina-cali-guuleed-oo-60-jir-ah&catid=1:article&Itemid=7

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *