Laascaanood(ANN)Wefti ka socdey maamulka gobolka Sool ee  Somaliland oo uu hor kacayay xildhibaan saleebaan Cali Koore oo ka mid ah xildhibaanada gobolka Sool kaga jira  golaha wakiilada  ayaa maanta maamulka Budhacad-badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe ka Afduubeen duleedka

deegaanka Taleex oo ka tirsan Sool.
Masuuliyiinta heer Gobol ee  uu horkacayo Xildhibaan Koore oo watay lix gaadhi, isla markaana usii jeeday  magaalada Taleex. Laakiin ciidanka maamulka Puntland ayaa jidgooyo u galay, taas oo keentay inay afduub u kaxaystaan qaar ka mid masuuliyiinta maamulka laamaha gobolka ee saarnaa gaadiidkaa, marka laga reebo Saleebaan Cali Koore iyo Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool Daahir Dirir ayaa gaadhigii  ay wateen  keliyi ka badbaaday.  Waxaana halkaa ku geeriyooday gudoomiyihii gobolka waxbarashada Sool Maxamed Aadan Cartan iyo mid ka mid ah ciidanka la socday gaadiidkaa. Waxaana dhaawac soo gaadhay 3ka mid ah dadkaa afduubka loo kaxaystay ee safarka ahaa.


Dadkan la Af-duubay  Xeer Ilaaliyihii Gobolka Sool Siciid Cabdi Cali Shire., Guddoomiyihii Maxkamada degmada Laascaanood Salaad Ismaaciil, iyo Taliyihii ciidanka qaranka ee aaga Taleex Maxamed Shirre Dhoodi. waxayna malayshiyada Budhcad-badeedu  dhaceen shan baabuur oo 2 ka mid ah dad rayid ahi leeyihiin.iyadoo wararka qaar sheegayaan in  tirada dadka ay afduubeen malayshiyada Budhacad-badeeda Puntland yihiin  19 qof oo 4 ka mid ahi yihiin masuuliyiinta wefdiga, balse aan tiro sax ah laga hayn.

Dhinaca kale Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa hadallo hanjabaad iyo digniin isugu jira u jeediyey Maamul-gobolleedka Puntland ee ku kacay falkaa
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Maxamed Muuse Abees oo si wada-jir ah shir  Jaraa’id caawa  ugu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Hargeysa, ayaa hanjabaad iyo digniin u diray maamul-gobolleedka Puntland, kuwaas oo ay tilmaameen inay jabiyeen jidkii nabadda iyo wada shaqayntii ka dhaxeysa labada  Somaliland iyo Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ka warramay ujeeddada Weftiga ay weerareen malleeshiyaadka ka amar-qaata maamulka Puntland, waxaanu Wasiirku tilmaamay inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii maamulka Puntland uu ka noqon waayo arrinta ay malleeshiyaadkaasi ku kaceen. “Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo aannu ku heshiinnay inuu magaalada Taleex oo eheladiisii iyo dadkiisii soo salaamo, waxna kasoo qabto, jid-gooyo ayaa loo sameeyay, waana laga war helay, dad magaalada joogay oo sii sheegay saacada uu biaxayaana way jiraan sidii loogu sii gali lahaa jid-gooyo, waana loo sii galay, markaa shil baa dhacay dad baa dhintay, dadna waa dhaawac, dadkaa dhintay iyo kuwa dhaawacmay dad hub sita may ahayn, dad colaad u socdana may ahayn, waxay doonayeen inay magaaladoodii Taleex gaadhaan oo eheladoodii ay u tagaan, taas waxaan odhan lahaa Puntland way ku qaldantay arrintaasina nabadgelyadii aanu wada soconay ee aanu ku wada shaqaynaynay way jabisay.” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Waxa uu sheegay wasiirku inay talaabo ku haboon qaadi doonaan haddii aanay Puntland ka noqon oo aanay qaadan dhibaatada ay gaysteen, waxaanu baaq u diray dalka Itoobiya oo uu xusay inuu ku jiray dhexdhexaadin nabadeed. Waxaanu yidhi: “Waxaanu leenahay Puntland haddii aanay ka noqon dadkaana soo dayn talaabaanu anaguna qaadaynaa, ka dib nabadgelyadiina halkaasay ku lumaysaa cidna dan uma aha arrintaas, waxaanu leenahay reer Puntland ka noqda waana la weeraray, markaa waxaanu leenahay Itoobiya oo nagu dhexdhexaadinaysay nabadgelyo, waxaanu u sheegaynaa in nabadgelyadii ay jabiyeen, haddii aanay ka noqon wixii ka yimaada iyagaa masuuliyadaa qaadaya Itoobiyana waanu u sheegaynaa.” ayuu yidhi Wasiirku.

La-taliyaha Madaxweynaha arrimaha doorashooyinka Maxamed Muuse Abees oo isaguna ka hadlay shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa haddallo hanjabaad iyo digniin isugu jira u diray maamula Puntland. “Horta ummada waxaanu inaanu wax dagaal ahi dhicin, ragga xagaa ka yimi iyo ragga xagan ka tagey rag isku qoys ah ayay ahaayeen oo warka loo kala gudbinayay, jid-gooyo ayaa loo galay weftigii uu hogaaminayay Xildhibaanku, waxaanu leenahay maamulka oo aanu u sheegaynaa cid ka dayac badani ma jirto madax gobolladaas marta iyaga ayaa ugu dayac badan, waxaanu u sheegaynaa madaxda la hayo haddii degdeg loo keeni waayo talaabo iyo waajibaad wixii nagaga aadan ayaanu ka qaadanaynaa oo cidna aanaan uga joojinayn oo ay caqligoodana u sheegaan oo ay degdeg u soo celiyaan gaadiidkayagii iyo dadkayagii iyo dhaawacyagiiba.” ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynuhu.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *