Hargeysa(ANN) Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay taliye-ku-xigeenka laanta Dembi-baadhista Bilayska (CID) ee Gobolka Awdal, kadib markii maalintii Jimcaha mudaharaadyo rabshado watay oo nin maxbuus ah lagula baxay ka dhaceen magaalada Boorama.
 

 

Sidaa waxa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay Taliyaha Booliska Somaliland Jeneral Cilmi Rooble Furre (Kabaal), laakin wax faahfaahin ah kama uu ka bixin sababta loo xidhay sarkaalkaas, balse waxa uu tibaaxay in baadhitaan lagu hayo taliye-ku-xigeenka ciidanka CID-da Gobolka Awdal ee xabsiga loo taxaabay.
“Taliyaha CID-da ciidanka ayaa gacanta ku haya oo waa la baadhayaa, waxana lagu haya xarunta CID-da.” Sidaa waxa yidhi taliyaha booliska Somaliland oo wax ka weydiiyey sababta loo xidhay taliyaha CID-da Gobolka Awdal.

Inkastoo Jeneral Cilmi Kabaal ka gaabsaday inuu tafaasiil intaa ka badan ka bixiyo xadhigga taliye-ku-xigenka CID-da, haddana sida ay xalay ilo-xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa xadhigga sarkaalkaasi la xidhiidhaa rabshadihii maalintii Jimcaha ka dhacay magaalada Boorama, kuwaasoo sababay in dad shacab ah la baxsadaan mid ka mid ah darawallada loo haystay inay gaadiidkooda ku qaadeen malleeshiyadii hubaysnayd ee dhowaan ka degay xeebaha Somaliland.

Waxa kale oo taliyaha booliska Somaliland ka hadlay shir ay shalay ku yeesheen xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, isaga oo xusay in shirkaa lagaga arrinsaday sugida ammaanka iyo nabadgelyada dalka iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa inay xasiloonida ka qaybqaataan.
“Shirka ka dhacay xarrunta dawlada hoose waxa lagaga hadlayey adkaynta nabadda, ammaanka dalka iyo sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa ilaalinta xasiiloonida dalka, “ayuu yidhi taliyaha boolisku.
Waxa taliyuhu sheegay in shirkaasi ay ka qaybgaleen taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland, taliyayaasha saldhigyada iyo hoggaannada booliska, Badhasaabka Gobolka Hargeysa, ku-simaha Maayarka Hargeysa iyo masuuliyiinta shanta degmo ee caasimadda Hargeysa.
Waxa uu taliyuhu xusay inay dedaal weyn u galayaan sidii loo adkayn lahaa amniga Somaliland, isaga oo ballanqaaday inay il feejigan ku ilaalin doonaan cid kastoo isku dayda inay nabadgelyada dalka Somalilkand waxyeello u gaysato, waxaannu dadweynaha ka codsaday inay mar walba xogaha ay helaan ee amniga waxyeellaynaya ula socodsiiyaan sida ugu dhakhsaha badan rugaha bilayska ee hadba ugu dhow.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380
Xigasho Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *