Hargeysa(ANN) Garabka jabhada ONLF ee heshiiska la galay dawlada Ethopia ayaa markii u horaysay si faaf faafsan uga warbixiyay malayshiyadii dhowaan ka talaabay buuraleyda xadka u dhexeeya Somaliland iyo Ethopia  ee  gobolka Awadal, halkaas oo ay dagaal isku waajaheen ciidamada Ethiopa.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha debeda ee garabkaa  oo lagu baaahiyay shebekada Ogadenifo ayaa u qornaa sidan” War saxaafadeed: Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeeniya [Jwxo], waxay mudoba wadahadal nabadeed la waday dawlada Itobiya, waxayna xili dhaw ku qabandoontaa gudaha shirar nabadeed. Jwxo waxay ka warheshay in si jujuub ah ay dawlada Eritrea oo kaashanaysa kuwo wax ma garata ah ay uga soo dajisay xeebta Somaliland dhalinyaro Somaliyeed. Dhalinyaradan ayaa dalka Eritrea galay si ay uga sii tahriibaan dalalka galbeedka, nasiib daro xukuumada Eritrea khasab ayey ku tabobartay waxayna ugu yeedhay ciidan ONLF ah.
Dhalinyaradan ayaa la rabay in si afduub ah lagu soo galiyo Itobiya, lana kala geeyo goobo dhawra si loogu carqaladeeyo kulamada nabada ah ee ay Jabhada ONLF dhawaan ku qabanayso gudaha Ogadeeniya xiliyada fooda inagu soo haya.
Jwxo, waxay ka warheshay in ciidankaas qaar badan oo ka mid ah ay dagaal ku dhinteen maalmihii ina dhaafay, qaarna la qabtay iyaga oo dhaawac ah, qaar kalena ay hada ku hareeraysan yihiin ciidanka dawlada Itobiya iyo kuwa Somaliland.
Maadaamada ay ciidamadaasi sheegteen magaca cwxo, waxay Jwxo codsanaysaa in Itobiya iyo Somaliland ay badbaadiyaan ciidanka nool ee ay ku hareeraysan yihiin. Waxay Jabhadu waydiisanaysaa in ciidankaas lagu wareejiyo hayadaha caalamiga sida laanqayrta cas iyo bisha cas, si loo bad baadiyo noloshooda.
Waxaan waydiisanaynaa labada dawladood in ay raacaan shuruucda caalamiga ah una ogolaadaan ciidankaasi in ay hubka dhigaan iyagana la badbaadiyo. Jabhada ONLF, waxay codsanaysaa in hayadaha badbaadada ay raaciso xubno jabhada ah, si ay uga dhaadhiciyaan in ay hubka dhigaan ciidankaasi.
Waxaa mudan in la helo qoysasaska iyo qaraabada dhalinyarada hubaysan, oo aan hubno in ay cabsanayaan ee ayna dagaal doonaynin, hadii loo gacan haadiyo,  ama loo sheego in aan waxba la yeelaynina ay dhigi qoryaha.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *