somalimemo.netGaalkacayo(ANN)Qarax ismiidaaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay (woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug qaybta uu ka taliyo maamulka Puntlnad, iyadoo wararku sheegayaan in qaraxaas uu sababay khasaare weyn oo nafeed.

Wararku waxay intaa ku darayaan in qaraxaas uu dhacay ka dib markii nin watay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey lagu weeraray gaadiid gelbinayey saraakiil uu ka mid ahaa taliye ku-xigeenka Booliska Puntland Jen. Muxyadiin Axmed Aw-Muusse oo muddooyinkan joogay magaalada Gaalkacyo, kaas oo la shaqeeya la dagaalanka argagixisada.

Qaraxan oo dhacay xili ay sarkaalkaa iyo wefdiga uu hogaaminayaa ay marayeen meel ku dhow xarunta Taliska Booliska Gobolka Mudug. Qaraxa ayaa  ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay guud ahaan magaalada Gaalkacyo, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu qaraxaa dhaawac kasoo gaadhay taliye ku-xigeenka Booliska Puntland Jen. Muxyadiin Axmed Aw-Muuse, balse ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya warkaa.
sidoo kale waxay wararku sheegayaan in ilaa sideed ka mid ah askarta la socotay Taliyaha ay ku dhaawacmeen, isla markaana ay ku dhinteen tiro kale oo uu ku jiro Ninkii is qarxiyay oo watay gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana lala beegsaday gaadhiga uu watay Taliyaha la dagaalanka argagixisada, isla markaana ah Taliye xigeenka Booliska Puntland.

Cusbitaalka woqooyiga Gaalkacyo ayaa la geeyay dad fara badan oo dhaawac ah,  kuwas oo uu ku jiro taliye ku-xigeenka Booliska Puntland Jen. Muxyadiin Axmed Aw-Muuse, kaas oo weerarka bartilmaameedkiisu ahaa, balse  lama oga heerka dhaawaciisu gaadhsiisan yahay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *