Washington(ANN) Shan gobol oo ka mid ah Wadanka Mareykanka ayaa lagaga dhawaaqay xaalad deg deg ah. ka dib markii ay ku dhufatay Dabaysha Duufaanta masiibada ah oo ka bilaabantay afar gobol oo kuwa dhinaca Woqooyi ee

 

dalkaa Jimcihii, kuwaas oo ay cagta marisay.

Dad lagu qiyaasay 40 million ayaa ka cararay guryohooda Woqooyiga New Jersey. sidoo kale Chicago iyo New York ayaa ka mid ah meelaha ay duufaanta barafka wadata oo ka saraysa dhulka qiyaastii 15 Ft, isla maraakana ku socota xawaare xawli ah oo gaadhaya70 miles saacadiiba, taas oo keentay inay istaagaan gebi ahaan gaadiidka Cirka sida Duulimaadyada iyo gebi ahaan isgaadhsiinta iyo adeegyada muhiimka ah iyo tareenada.

Gacanka Koonfureed ee Boston, ayaa noqday meelaha ugu daran, iyadoo ay gebi ahaanba xidhmeen wadooyinka waaweyn iyo Biriishyada u kala gudba gobolada qaarkood. sidoo kale waxa inta badan gobolada dhaca waqooyiga wadanka mareykanka albaabada loo laabay goobaha waxbarashada sida iskuulada iyo jaamacadaha , waaxda saadaasha hawada mareykanka ayaa ku dhawaaqday in duufaantan barafka wadata ay sii socon doonto muddo sedax maalmood waxayna muwaadiniinta mareykanka uga digtay in ay banaanada usoo baxaan.

Madaxweyne Obama ayaa ku amray Hay’addaha gargaarka iyo ciidamada inay gurmad sameeyaan. sidoo kalena Mas’uuliyiinta Mareykanka ee gobolada masiibadu ku habsatay  amar ku bixiyeen in labaneeyo waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka si looga fogaado dhacdooyin dhibaata dhalin kara oo ka dhaca halkaasi.

Gudoomiyeyaasha gobolada New York, Massachusetts, Rhode Island, Connecticut iyo Maine ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, iyadoo ay sababtay dhimasho ilaa hada ku dhowaad dhawr qof, iyadoo 700-kun oo  guri ay burburisay dabeysha oo baraf wadata, taas oo joojisay in ka badan 22000 oo duulimaadyo gudaha mareykanka ahsaadaasha hawada leeyihiin waxaa laga yaabaa in dabaylluhu sii socdaan illaa gelinka dambe ee maalinimada isniinta balse ay xaaladu tahay mid khatarteeda leh.

Duufaanta ayaa la saadaalinayaa inay noqoto mid dhimasho iyo khasaare baahsan keeni karta, iyadoo qabowga uu gaadhay  meel hoose, dabeylo xooggan iyo ceryaamana ay isku gedfeen cirka iyo dhulka, kuwaas oo aan waxba laga arkayn, waxayna kusoo beegantay xilliga qaboobaha, iyadoo gobolada New York iyo New Jersey aaney weli si buuxda uga soo kaban duufaantii xooganeyd ee Sandy oo dhufatay bishii October ee sanadkii hore 2012.

Khuburada saadaasha hawada ayaa sheegaya in duufaantan cusub laga yaabo inay sii socoto illaa gelinka dambe ee maalinimada isniinta, waxaana la saadaalinayaa  inay la mid noqoto tii dhacday sanadkii 1978dii , taas oo ku aastay Boston, baraf gaadhaya 70 centimeter,  isla markaana curyaamisay New England muddo maalmo ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *