Addis Ababa (ANN) Dawladda Ethiopia , ayaa markii u horaysay shaacisay aragtideeda la xidhiidha faa’iidada dhinaca aqoosiga ah ee Somaliland ka helo karto aftida weli natiijadeeda la sugayo ee  ka dhacday Koonfurta Suudaan.Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia

 

Mr. Hailemariam Desalegn iyo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo waraysiyo laga qaaday shalay lagu faafiyey   shabakadda wararka caalamiga ah ee Bloomberg.net, ayaa aragtiyo kala fog ka bixiyey taageerada aftida Koonfurta Suudaan ka gaysan karto aqoonsida madaxbannaanida Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibedda oo isaga oo ku sugan Hargeysa khadka telefoonka ugu waramay Bloomberg.net, ayaa sheegay in aftida madaxbannaanida Koonfurta Suudaan Somaliland ka caawin doonto ololaha ay ugu jirto aqoonsiga dawladnimadeeda, balse waxa figrad taa ka duwan qaba wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya oo isagu aaminsan in aftida Koonfurta Suudaan aanay Somaliland ka caawin Karin qadiyadda madaxbannaanideeda.
Wasiirka arrimaha dibedda Somiland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka hadlayey faa’iidada aftida Koonfurta Suudaan u leedahay aqoonsiga Somaliland, waxa uu yidhi; “Aftida Koonfurta Suudaan albaabka ayey noo furaysaa, waxaananu kiiska Koonfurta Suudaan u adeegsan doonaa siyaasad adag oo aanu la hortagno Midawga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD.” Hasayeeshee wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa isaguna ku dooday figrad kale oo ah in Koonfurta Suudaan iyo dawladda Waqooyiga Suudaan ay heshiis ku wada gaadheen in dadweynaha ku dhaqan Koonfurta Suudaan laga qaado aftida lagu weydiinayo inay ka mid noqdaan dalweynaha Suudaan iyo inay noqdaan dawlad ka madaxbannaan, sidaa darteedna loo baahan yahay in dadka Soomaalidu dhexdooda ka go’aan ka gaadhaan madaxbannaanida Somaliland.
“Xaaladu way ka duwan tahay Suudaan, maadaama Waqooyiga Suudaan ay ogolaadeen aftida ka dhacday Koonfurta..Madaxbannaaniduna waa arrin u taal in dadka Soomaalidu go’aan ka gaadhan, go’aanku kama iman karo dibadda, waxa qudha oo uu ka iman karaa gudaha (dadweynaha Soomaalida).” Sidaa waxa yidhi wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn oo shabakadda wararka ee Bloomberg.net wax ka weydiiyey xidhiidhka ka dhexayn kara madaxbannaanida Somaliland iyo aftida ka dhacday Koonfurta Suudaan.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa isaguna iska difaacay dooda wasiirka dhigiisa ah ee dawladda Itoobiya, isaga oo xusay in kiiska Somaliland aanu ahayn mid ay dal kale kaga go’ayaan, balse uu yahay midaw Somaliland oo dal madaxbannaan oo la aqoonsan yahay ahi 1 July 1960 la gashay Soomaaliya oo ay hadda dib uga noqotay. Waxaannu wasiirku xusay in aanu xiligan dhici Karin heshiiska isfahamka ah ee ay Waqooyiga iyo Koonfurta Suudaan wada gaadheen, maadaama aanay Soomaaliya ka jirin dawlad sharci ah oo dhisani.

“Heshiiska Waqooyiga iyo koonfurta Suudaan wada gaadheen maaha mid xiligan ka dhici kara Soomaaliya, maxaa yeelay ma jirto dawlad sharci ah oo ka dhisan Muqdisho, tanina fursad nooma siinayso in aanu la fadhiisano oo wada gaadhno heshiiska Waqooyiga Suudaan ku ogolaadeen in afti laga qaado Koonfurta Suudaan oo kale,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Waa markii ugu horraysay ee Dawladda Ethiopia si furan uga hadasho xidhiidhka ka dhexayn kara madaxbannaanida Somaliland iyo aftida Koonfurta Suudaan ee natiijadeeda weli la sugayo.

y,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

Xigasho;  Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *