Hargeysa (ANN)- Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland Maxamed Nuur, ayaa si qarsoodi ah dalka uga baxay, ma jiraan warar kasoo baxay dhinaca xukuumadda madaxweynaha la doortay iyo madaxweynihii laga guulaystay oo shaacinaya socdaalka taliyaha sirdoonka iyo sarkaalkii khasnagiga oo weheliyay,

 

 waxayna arrintani kusoo beeganatay iyada oo lagu jiro xili kala guur ah oo aanay xilka la kala wareegin

madaxweynaha xilka sii haya Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Madaxweyaha xilka sii haya Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaan la ogayn inuu la socdo socdaalka taliyihiisii sirdoonku dalka kaga baxay iyo inay jirto tallaabo arrintaa uga qorshaysan, balse sida warar xog ogaal ahi u xaqiijiyeen shebekada Araweelonews, madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii uu soo baxay warka sheegaya inuu baxsaday taliyaha sirdoonku, waxa uu soo saaray waaran lagu soo qabanayo taliyaha sirdoonka iyo hantida kale ee maqanba. iyadoo aan la garanayn meesha uu safarkoodu ku jihaysnaa.

 

Hase yeshee dad ku dhowaa Taliyaha siirdoonka ayaa u xaqiijiyay shebekada Araaweelonews in taliyahii Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur oo ay wada socdeen Nin lagu Magcaabo Maxamed Cali Baadiye oo ka tirsanaa sirdoonka, isla markaana ahaa khasnajiga Hayada lagu hakiyay xuduuda wajaale iyagoo doonaya inay u talaabaan dhinaca Ethopia oo watay mid ka mid ah gaadiidka sirdoonka. balse uu Taliyaha Bilayska Somaliland ka sii daayay iyadoo askariga qabtay aanu waqtigaa haysan amar ah inuu qabto. laakiin uu dareen shaki ku abuuray gaadhiga ay Taliyaha iyo ninkaa kale wateen , maadaama lagu amray Bilayska inay ilaaliyaan gaadiidka la doonayo in lala baxsado xiligan kala guurka labada xukumadod.

sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Taliyaha sirdoonku codsaday ka hor intii aanu dalka ka bixin fasax gaaban oo nasasho ah. ka dibna ay soo baxeen wararka sheegaya inuu dalka ka baxay. lama garanayo meesha ay labadaa sarkaal u dhaafi doonaan dalka Ethopia, base waxa jira xogo ku saabsan socdaalkiisa oo shebekada Araweelonews u tibaaxay in uu jiray qorshe hore ugu meel yaalay oo socdaalkiisa qarsoodiga ah la xidhiidhay, kaas oo uu soo diyaariyay Nin ay walaalo yihiin oo ay aad isugu eegyihiin, kaas oo ka yimi dhinaca dalka sweden xiligii doorashada madaxtooyada oo Hargeysa ku sugnaa maalmihii la sugayay natiijada doorashada, isla markaana u diyaariyay qaabkii uu u bixi lahaa. iyadoo sarkaalka kale ee la socday dhowaan tababar kaga soo laabtay dhinaca dalka maraykanka, isla markaana ay suurta gal tahay inuu sidaa oo kale ku baxo qorshe ay wada dejiyeen.

sidoo kale tibaaxo kale oo laga helay qoyskiisa ayaa shebekada Araweelonews u sheegay inuu safarkiisa la socodsiiyay oo u sheegay inuu saraakiil Maraykan ah kula kulmayo dalka Ethopia. waxaana suurta gal ah inuu u baxo dhinaca dalka Sweden. haddii uu jiray qorshe uu walaalkii oo ay aad isugu eeg yihiin diyaariyay, balse waxa iyana soo baxaya warar sheegaya inay suurta gal tahay inay Taliyaha iyo Ninka la socdaa u dhaafaan dalka Ethopia dhinaca dalka Ereteria. balse ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo socdaalka qarsoodiga ah ee Taliyaha sirdoonk iyo halka uu ku jihaysan yahay.

Talaabada uu dalka kaga baxay taliyihii sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur waa mid daaha ka feydi karta dhagaro iyo shirqoolo dalka ka dhacay mudadii uu xilka taliyaha sirdoonka ahaa oo ay jireen waxyaabo tuhun abuuraya dhacdooyinka shirqoolada ka dhacay somaliland oo shebekada Araweelonews baahisay, waaana si weyn loo xusuusan yahay dilka taliyihii ciidanka qaranka ee Laascaanood Col Yuusuf Nuur oo loo qabtay taliyihii sirdoonka gobolka Sool, kaas oo ay ugu danbayntii maxkamadda gobolka saaxil ku xukuntay isago shaqsiyaad kale dil. markii ay ku cadaatay inay shirqoolkaa u maleegeen Taliyahaa.

iyadoo watigaa uu taliyaha sirdoonka ee hada baxsaday si badheedha u difaacayay eedaysanaha koobaad ee ahaa taliyihii sirdoonka sool.

dhinaca kale waxa jira dareeno la xidhiidha socdaalka waqtigan ee taliyihii sirdoonka somaliland ee waqtigan kala guurka, taas oo si weyn dhabar jab iyo fadeexad ugu ah maamulka madaxweynaha lagaga guulaystay doorashada ee aan weli xilka wareejin. sidoo kale waxa suurta gal ah inay talaabadani daaha ka feydo fadeexado iyo qorshayaal shirqool oo hore uga dhacay Somaliland iyo kuwo ay suura gal tahay in la fuliyo xiliyada dhow ee soo socda.

By, Carraale M. Jama

freelance Journalist and Human Rights Activist

Araweelonews Somaliland Office

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *