Hargeysa (ANN) Guddida uu madaxweynaha cusubi u xilsaaray inay kasoo talo bixiyaan waxqabadka dawlada cusub ee boqolka maalmood ee u horeeya mudada xilka xukuumada cusub ee aan weli la dhisin ayaa shalay madaxweyne  Axmed Siilaanyo u gudbiyey qodobada ay u arkeen in mudnaanta la siiyo.

 

 

 

 

Guddidaa oo uu gudoomiye u yahay Muuse Biixi Cabdi, isla markaana hore loogu saaray inay kasoo talo bixiyaan qaab dhismeedka xukuumada cusub iyo inta wasaaraddood ama hayadood ee ay ka koobnaanay  oo toddobaadkii hore ku talo-bixiyey in xukuumada cusubi ka koobnaato 15 wasaaradood oo qudha, taas oo ay saxaafada ku shaaciyeen ayaan hawshan danbe ee Madaxweynaha cusubi u igmaday si rasmi ah u shaacin qodobada ay ku taliyeen in xukuumadu  wax ka qabato saddexda bilood ee xilkeeda ugu horeeya.

Balse warar laga soo xigtay  ayaa tibaaxaya inay  qodobada guddidu ku talo bixiyeen in xukuumadda cusubi qabato boqolka maalmood ee u horeeya ay ugu muhiimsan yihiin  in la tirtiro guddida nabadgelyada ah ee sida sharcidarrada ah dadka u xukunta oo xukuumada madaxweyne Rayaale ee aan weli xilka wareejini qaab sharciga baalmarsan u joogtaysay jiritaankeeda. Sidoo kale waxay xogaha laga helay talooyinka gudida cusubi u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo sheegayaan  in labada toddobaad ee u horeeya dawlada cusubi bixiso dhamaanba mushaharooyinka ay shaqaalaha dawlada iyo ciidamadu laahayeen eek u baaqaday xukuumada Rayaale.

 

Sidoo kale waxay xoguhu tibaaxayaan inay qodobada gudidu  ku talo bixyeen ay ka mid yihiin  dawlada cusubi mudnaanta siiso boqolka maalmood ee u horeeya,  ama saddexda bilood ee u horeeya  in la dhamaystiro dhismaha Biriijka labaad ee caasimada Hargeysa oo qabyo ahaa muddo ka badan afar sanno iyo saayid, in la dhiso afar killomitir oo ka mid ah waddada isku xidha magaalooyinka Boorama iyo Dilla, in dib-u-habayn lagu sameeyo nidaanka cashuuraha dalka, in degdeg loo hawlgeliyo guddida musuqmaasuqa, in la hirgeliyo figradii ku salaysnayd iskaa wax-u-qabso ee dadku kaga qayb qaadanayaan dhismaha dalka, in olole nadaafadeed laga hirgeliyo magalooyinka dalka, iyadoo ay hogaaminayaan shacbiga  madaxda qaranku iyo qodobo kale oo guddidu u arkeen inay muhiim u yihiin dalka.

Guddida talo bixinta oo ka kooban 15 xubnood oo isugu jira  siyaasiyiin, aqoonyahan iyo Culimadiin iyo waxgaradka reer Somaliland oo hore madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu diray inay ka soo tallo bixiyaan qaab dhismeedka xukuumada ayaa hawsha danbe ee waxqabadka xukuumada cusub ee boqolka maalmood iyo lixda bilood ee ugu horeeya mudada xilkeeda, waxay  shalay gudbiyeen madaxweynaha cusub. Waxaana la filayaa in maalmaha fooda inagu soo haya la shaaciyo. Marka la dhaariyo Madaxweynaha cusub.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *