Hargeysa(ANN)Maxkamada sare ee dastuuriga ah ee somaliland ayaa axadii todobaadkan si rasmi ah u ansixisay natiijadii hordhaca ahayd ee komiishanka doorashooyinka Qaranku horaantii bishan Julay ka soo saareen doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26/06/2010-ka.

 

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Md Maxamed Axmed Xirsi Oomane oo ay weheliyaan xeer ilaaliyayaasha Maxkamada sare ayaa sheegay in markii ay darseen natiijada komiishanku ka soo saareen codadkii saddexda xisbi qaran (UDUB/KULMIYE iyo UCID) ka heleen doorashadii Madaxtooyada isla-markaana ay arkeen in codadka ugu badan uu helay xisbiga KULMIYE ay maxkamadu anixisay natiijadaasi oo ay sharci tahay, sidaas daraadeedna uu xisbiga KULMIYE ku guulaystay doorashadii Madaxtootada.

Guddoomiyaha Maxkamada sare Md Oomane oo arimahaa faaqidayaa waxa uu yidhi “Maxkamadu daristay sugnaanshaha tirooyinka saddexda xisbi ka kala heleen doorashadii Madaxtooyada, waxay ansixisay natiijadii komiishanka doorashooyinku soo saaray, taas oo ahayd in xisbiga KULMIYE helay 266.609, taas oo la mid ah 49.59%, xisbiga UDUB-na uu helay 178.881 cod, taas oo u dhiganta 33.28%, halka xisbiga UCID-na uu ka helay codkii doorashada laga dhiibtay 92.450 oo u dhiganta 17.18%, taas oo sharci ah oo KULMIYE ku guulaystay tirada ugu badan codadkii laga dhiibtay doorashada.’

Guddoomiyaha Maxkamada sare waxa uu sheegay maadaama oo xisbiga KULMIYE ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada uu xilka Madaxwaynuhu bilaabmayo maalinta loo dhaariyo xilka isaga oo xilka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka uu ahaaanayo muddo shan sanadood ah.

dhinaca kale Xoghayayaasha labada Xisbi ee UCID iyo UDUB oo saxaafada la hadlay ku dhawaaqida Natiijada kama danbaysta ah ee Maxkamada Sare ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin Natiijadaasi lagu dhawaaqay.

Xoghaya Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax ayaa sheegay inay natiijadaasi ay maxkamadu sheegtay ay aqbaleen isla markaana maanta wixii ka danbeeya ay u aqoonsanaanayaan Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo C/raxmaan Sayici inay yihiin Madaxweynaha iyo ku xigeenka Somaliland isagoo xoghayuhu xusay inay xisbigooda UDUB uu ku ahaan Macaarid wax toosiya oo la shaqeeya Xukuumada Cusub.

Xoghaya Guud ee Xisbiga UCID Muuse Xaaji Maxamuud (Muuse inji) oo isaguna ka hadlay Dareenka Xisbigiisa ayaa sheegay inay aanay jirin wax dacwad ah oo ay ka qabaan Natiijadaasi ay shaacisay Maxkamadu, waxaana uu hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay iyo ku xigeenkiisa isagoo ka dhawaajiyay in Doorashadani wax weyn u tartay Somaliland isla markaana ay tahay wax lagu farxo, lana shaqayn doonaan Madaxweynaha la doortay iyo ku xigeenkiisa, waxaana uu yidhi “Waa maalin weynMaxkamada Sare waxay si rasmi ah u soo saartay Natiijadii ugu dambaysay ee doorashadii Madaxtooyada ee ka dhacday dalka 26-kii June, Xisbiga UCID waxay xisbiga KULMIYE ku Hambalyaynayaan guusha doorashada ay ka heleen.waanu ku hambalaynaynaa Madaxweynaha cusub iyo Ku Xigeenkiisaba waanan la shaqaynaynaa, Somaliland wax weyn ayay qabatay doorashadeenu waxay tusaale u noqon karaysaa Afrika, Asia iyo Bariga Yurub-ba.”

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *