Madaxweyne Siilaanyo Magcaabay Wasiirka warfaafinta, Wasiir Ku Xigeen, Afhayeenka Madaxtooyada Iyo xilal Kale

Hargeysa(ANN) Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Somaliland Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay warbixin qaramada midoobay laga soo qaatay oo sheegtay inay debecsanaan ku timi sirdoonka Somaliland. sidoo kale wuxuu waxba kama jiraan ka dhigay inay

 

masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ku jiraan kuwo xidhiidh la leh argagixisada Al-shabaab.
Taliyaha sirdoonka Somaliland Jaamac Bootaan  iyo Saraakiisha sar sare ee Ciidankaa oo kulan Saxaafadeed ku qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa waxa ay gebi ahaanba ku daadifeeyeen warbixinta  lagu daabacay jariiradda Ammaanka dunida ka faalloota ee lagu magcaabo Security, taas oo  nuqulkeedii dorraad soo baxay madaxa hay’adda badbaadada iyo ammaanka u qaabilsan qaramada midoobay UNDDS Mr. Grogory Starr uu u gudbiyay Qaramada Midoobay ku sheegtay   Somaliland inay Hoy u noqotay Argagixisida.

Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Somaliland oo ka hadlayay arrintaas ayaa warbaahinta u sheegay inaanay waxba ka jirin Eedaha warbixintaas ku qoran ee ah in Saraakiishii hore ee Sirdoonku Somaliland uga firxadeen Arrimo Amni iyo inay Xukuumadda Somaliland ku jiraan Saraakiil ka tirsan Al-shabaab “ Warbixinta Qaramada Midoobay ee aanu Jaraa’idka ku aragnay ee uu gudbiyay Mr. Gregory Starr, waa arrin aanay waxba ka jirin, haddii ay Somaliland Hoy u tahay Argagixiso isagaan Joogeen. Markaa waxaanu u aragnaa nin Qaramadda midoobay joogaa Somaliland waxba kama oga, mid Nairobi joogaana waxba kama oga cida waxaas samaysay waa Xafiiska Somaliland iyagaanu kala xisaabtami doonaa arrintaas” ayuu yidhi Taliayaha Sirdoonka Somaliland.

Taliyaha sirdoonka Somaliland Isagoo sii faahfaahinaya Qoddobada warbixintaa  ku jiray ee sirdoonka Somaliland laga gudbiyay waxa uu yidhi,  “ horta Sirdoon waa Ciidan ma jirto Cid Sirdoon ah oo Somaliland uga Haajirtay Nabadgelyo Darro, anigu Taliyaha Sirdoonkaan ahay kaligay baa Habeen iyo maalin  magaaladda Hargeysa mara,  mana lihi ciidan gaara oo i ilaaliya, Argagixisada la sheegayo iyo anaga Dagaal toos ah baa naga dhaxeeya ana ma bixinayo iyana haday fursad ii haystaan igumay hakadeen markaa inaanay waxba ka jirin taasaa cadaynaysa” ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay masuuliyiinta Xukuumaddu inay ku jiraan xubno  Al-shabaab xidhiidh la leh oo Argagixiso ah  waxa uu yidhi,  “ Argagixisadu ma aha wax la taaban karo, waa Cadow aanad filanayn, garan maysid ma walaalkaaba, ma inankaaga, ma walaashaaba,  waa waxaas marka uu kugu qarxo ayaad ka  war helaysaa, markaa haddii ay jiraan cid ay og yihiin anagu ma ogin, nina nin argagixiso ah Xil umuu dhiibteen, Somaliland-na maanta Halis badan bay ku jirtaa waxayse kaga badbaadaa waa Ciidanaakaas Sirdoonka iyo kuwa kale ee la shaqeeya,  ama RRU-ha ahaadeen ama SPU-ye” ayuu raaciyay

Mar uu ka hadlayay xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Dalalka jaarka ah,  ama kuwa Reer Galbeedka ah iyo  inuu xidhiidhkoodu xumaaday sida ay warbixinta Qaramada Midoobay loo gudbiyay sheegayso waxa uu yidhi,  “ maalin dhaweyd warbaahaintu waxay soo qortay inaan sito Baasaaboor Itoobiyaan ah oo Dublamaasi ah, waad fahmi kartaan maxaa la ii siiyay ama aan u isticmaalaa. Anigu shido umaan qaadan warkaas waayo wax aan qarsanayo maaha oo waa taas imikaba la leeyahay xidhiidhkoodii wuu xumaaday. Arrintaasi waxay ka markhaati aakacaysaa inay been tahay, Fasaxyda iyo Ciidahoodaba waa ii furan yihiin Reer Galbeed iyo meel kasta waanan tagnaa wada shaqayn baana naga dhaxaysa” ayuu yidhi Taliyuhu

Taliyuhu mar uu ka hadlayay saamaynta Al-shabaab iyo Argagixisadu klu leedahay Somaliland wuxuu  yidhi, “ Qolooyinka Reer Galbeedka ah iyo dadka kaleba Al-shabaab waxay ua yaqaanaan inay Asalkoodu ka soo jeedaan Somaliland, haa waa run oo markaad dhankaas ka eegto saraakiisha ugu saraysa halkanay ka soo jeedaan waa Reer Hargeysa, Boorama, Burco iyo Laascaanood, laakiin dagaal baanu kula jirnaa oo maalin walba shan toban kolba waxbaa la qabataa, waad ogtihiin in Somaliya Culays kaga yimi halkanay u soo yaacaan markaa sidaasaanu ula soconaa” ayuu yidhi

Mr Bootaan, wuxuu meesha ka saaray in  sirdoonka Somaliland debecsanaan ku timi xiliggii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,  wuxuuna isagoo is  bar bar dhigaya Sirdoonka Somalailand ee wakhtigan  iyo  Xukuumaddii hore waxa  yidhi,  “ halkan waxa fadhiya Saraakiil ka ugu yar yahay afartan sano soo shaqaynayay wakhtigii Rayaale iyo imikana raga joogaa waa isku mid waxoogaa ha ku soo biiraane. Aqoontii iyo khibradiiba way leeyihiin waliba hawlo badan oo lagu kordhiyay Aqoon ahaan iyo qalab ahaan ayay wataan. Imika halka ugu halista badan lihi waa Sanaag barrigeeda oo ay ku soo gabadaan Kooxahaasi, Maamul ahaana waad ogtihiin Somaliland saamaynta ay ku leedahay, hadana sidaasa dedaalka aanu samaynay aniga oo halkaas fadhiya ayaa Walk Talk-gaa aad arakayaasn ee aan Hargeysa la iska maqal ayaan kula xidhiidhaa Qalaba aanu ku rakibnay Ceerigaabo” ayuu yidhi.
Dhinaca kale warbixintaa oo warbaahinta Somaliland daabacday labadii maalmood ee u danbeeyay, ayaa sababtay in xukuumadda Somaliland xabsiga u taaxaabto maanta mid aka mid ah saraakiishii sirdoonka ee xiliggi Daahir Rayaale, kaas oo saacado ka dib xoriyadiisa loo celiyay, isla markaana aan weli la aqoonsan ujeeda xadhiiga iyo inay ka dhalatay warbixintaa lagu xusay inay qaar ka mid saraakiishii sirdoonka Somaliland ka haajireen dalka markii ay xukuumadda cusubi qabsatay talada 2010.

halkan ka akhri warbixinta qramada midoobay(riix)

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *