Amsterdam(ANN) Abwaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, ayaa ku guulaystay Abaalmarin Caalami ah oo sanadkiiba mar la siiyo dadka kusoo kordhiya dhaqanka iyo horumarinta caalamiga ah bulshada ay la noolyihiin, taas oo ay bixiso Aqalka

 

Boqortooyada ee waddanka Holland.
sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay xarunta dhaqanka Redsea Online Abwaan Hadraawi wuxuu ka mid noqday 11 qof oo sanadkan lagu sharfay abaalmarintaa caalamiga ah. qoraalka ay soo saartay xarunta Redsea Online, ayaa u qornaa sidan:- ” Kow iyo toban isugu jira maskax-maallo, abwaanno, filim-sameeyeyaal iyo ururro ka socda dalal kala duwan, ayaa ku guulaystay aqoonsi caalami ah oo sannadkiiba mar lagu sharfo dadka wax qiime leh kusoo kordhiya dhaqanka iyo horumarka bini-aadamka. Aqoonsigaas oo ay bixiyaan Prince Claus Fund, oo ah sanduuq-faneed ku xidhan Aqalka Boqortooyada ee waddanka Holland, waxa la siiyaa dadka wax soo saarkooda maskaxeed qiime aad u sarreeya leeyahay, islamarkaana uu saamayn wayn ku yeesho bulshada uu qofkaasi la noolyahay.

Waxa sannadkan ka mid noqdey guuleysteyaasha Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”.

Aqoonsiga Mudnaanta Kowaad ee sannadkan waxa ku guulaysatay iskaashatada Eloísa Cartonera oo ah kulan farashaxan, soo-saarid iyo fidin buugaageed, oo laga sameeyey 2003dii magaalada Buenos Aires ee waddanka Arjantiin. Iskaashatada Eloísa Cartonera waxa ay ku guulaysatay boqol kun oo Euro (100,000Euros), iyada oo loogu aqoonsaday guusha in “Eloísa Cartonera iyada oo aan macaashdoon ahayn ayay ummaddeeda usoo saartey buugaag badan oo qiime jaban lagu heli karo.” Xafladda dhiibista aqoonsigani waxa ay ka dhici doontaa 12ka Diisember 2012, Guriga Boqortooyada ee magaalada Amsterdam, iyada oo uu gacanta ka dhiibi doono Amiir Constantijn. Tobanka qof ee kale ee uu ka mid yahay Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, midkiiba waxa uu ku guulaystay shan iyo labaatan kun oo Euro (25,000 Euros), mid kastana arrin u gaar ah ayaa loogu caleema saaray guusha sannadkan.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo lagu doortay quruxda iyo qiimaha sare ee ay suugaantiisu leedahay, iyo waliba sida ay qani uga dhigto sooyaalka hiddaha gabayga Af soomaaliga, waxa lagu asteeyey in uu yahay mufakir suugaantiisu dhisayso sallaankii nabadda.

Marka laga reebo iskaashatada Eloísa Cartonera iyo abwaanka Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, dadka kale ee iyana ku guulaystay sannadkani waxa ay ka kala socdeen Tuunisiya, Aljeeriya, Siiriya, Joordan, Meksiko, Kiiniya, Kamboodiya, Jamayka iyo Burma.

Redsea Online Culture Foundation waxa ay u riyaaqeen sharafta uu karaamada uu leeyahay aqoonsigani, waxana ay ugu hambalyaynayaan abwaanka in adduunyadu aqoonsatay qiimaha sare ee waxsoosaarkiisa maskaxeed u leeyahay koritaanka bulshada iyo qiimaha aadamiga.

Ka eeg warbixin dheeraad ah halkan:princeclausfund.org ama halkan:redsea-online.com

Araweelonews Mobile
Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *