Hargeysa(ANN) Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Somaliland Jaamac Maxamed Bootaan, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay warbixin qaramada midoobay laga soo qaatay oo sheegtay inay debecsanaan ku timi sirdoonka Somaliland. sidoo kale wuxuu waxba kama jiraan ka dhigay inay
masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ku jiraan kuwo xidhiidh la leh argagixisada Al-shabaab.
Taliyaha sirdoonka Somaliland Jaamac Bootaan iyo Saraakiisha sar sare ee Ciidankaa oo kulan Saxaafadeed ku qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa waxa ay gebi ahaanba ku daadifeeyeen warbixinta lagu daabacay jariiradda Ammaanka dunida ka faalloota ee lagu magcaabo Security, taas oo nuqulkeedii dorraad soo baxay madaxa hay’adda badbaadada iyo ammaanka u qaabilsan qaramada midoobay UNDDS Mr. Grogory Starr uu u gudbiyay Qaramada Midoobay ku sheegtay Somaliland inay Hoy u noqotay Argagixisida.
Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Somaliland oo ka hadlayay arrintaas ayaa warbaahinta u sheegay inaanay waxba ka jirin Eedaha warbixintaas ku qoran ee ah in Saraakiishii hore ee Sirdoonku Somaliland uga firxadeen Arrimo Amni iyo inay Xukuumadda Somaliland ku jiraan Saraakiil ka tirsan Al-shabaab “ Warbixinta Qaramada Midoobay ee aanu Jaraa’idka ku aragnay ee uu gudbiyay Mr. Gregory Starr, waa arrin aanay waxba ka jirin, haddii ay Somaliland Hoy u tahay Argagixiso isagaan Joogeen. Markaa waxaanu u aragnaa nin Qaramadda midoobay joogaa Somaliland waxba kama oga, mid Nairobi joogaana waxba kama oga cida waxaas samaysay waa Xafiiska Somaliland iyagaanu kala xisaabtami doonaa arrintaas” ayuu yidhi Taliayaha Sirdoonka Somaliland.
Taliyaha sirdoonka Somaliland Isagoo sii faahfaahinaya Qoddobada warbixintaa ku jiray ee sirdoonka Somaliland laga gudbiyay waxa uu yidhi, “ horta Sirdoon waa Ciidan ma jirto Cid Sirdoon ah oo Somaliland uga Haajirtay Nabadgelyo Darro, anigu Taliyaha Sirdoonkaan ahay kaligay baa Habeen iyo maalin magaaladda Hargeysa mara, mana lihi ciidan gaara oo i ilaaliya, Argagixisada la sheegayo iyo anaga Dagaal toos ah baa naga dhaxeeya ana ma bixinayo iyana haday fursad ii haystaan igumay hakadeen markaa inaanay waxba ka jirin taasaa cadaynaysa” ayuu yidhi.
Mar uu ka hadlayay masuuliyiinta Xukuumaddu inay ku jiraan xubno Al-shabaab xidhiidh la leh oo Argagixiso ah waxa uu yidhi, “ Argagixisadu ma aha wax la taaban karo, waa Cadow aanad filanayn, garan maysid ma walaalkaaba, ma inankaaga, ma walaashaaba, waa waxaas marka uu kugu qarxo ayaad ka war helaysaa, markaa haddii ay jiraan cid ay og yihiin anagu ma ogin, nina nin argagixiso ah Xil umuu dhiibteen, Somaliland-na maanta Halis badan bay ku jirtaa waxayse kaga badbaadaa waa Ciidanaakaas Sirdoonka iyo kuwa kale ee la shaqeeya, ama RRU-ha ahaadeen ama SPU-ye” ayuu raaciyay
Mar uu ka hadlayay xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Dalalka jaarka ah, ama kuwa Reer Galbeedka ah iyo inuu xidhiidhkoodu xumaaday sida ay warbixinta Qaramada Midoobay loo gudbiyay sheegayso waxa uu yidhi, “ maalin dhaweyd warbaahaintu waxay soo qortay inaan sito Baasaaboor Itoobiyaan ah oo Dublamaasi ah, waad fahmi kartaan maxaa la ii siiyay ama aan u isticmaalaa. Anigu shido umaan qaadan warkaas waayo wax aan qarsanayo maaha oo waa taas imikaba la leeyahay xidhiidhkoodii wuu xumaaday. Arrintaasi waxay ka markhaati aakacaysaa inay been tahay, Fasaxyda iyo Ciidahoodaba waa ii furan yihiin Reer Galbeed iyo meel kasta waanan tagnaa wada shaqayn baana naga dhaxaysa” ayuu yidhi Taliyuhu
Taliyuhu mar uu ka hadlayay saamaynta Al-shabaab iyo Argagixisadu klu leedahay Somaliland wuxuu yidhi, “ Qolooyinka Reer Galbeedka ah iyo dadka kaleba Al-shabaab waxay ua yaqaanaan inay Asalkoodu ka soo jeedaan Somaliland, haa waa run oo markaad dhankaas ka eegto saraakiisha ugu saraysa halkanay ka soo jeedaan waa Reer Hargeysa, Boorama, Burco iyo Laascaanood, laakiin dagaal baanu kula jirnaa oo maalin walba shan toban kolba waxbaa la qabataa, waad ogtihiin in Somaliya Culays kaga yimi halkanay u soo yaacaan markaa sidaasaanu ula soconaa” ayuu yidhi
Mr Bootaan, wuxuu meesha ka saaray in sirdoonka Somaliland debecsanaan ku timi xiliggii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, wuxuuna isagoo is bar bar dhigaya Sirdoonka Somalailand ee wakhtigan iyo Xukuumaddii hore waxa yidhi, “ halkan waxa fadhiya Saraakiil ka ugu yar yahay afartan sano soo shaqaynayay wakhtigii Rayaale iyo imikana raga joogaa waa isku mid waxoogaa ha ku soo biiraane. Aqoontii iyo khibradiiba way leeyihiin waliba hawlo badan oo lagu kordhiyay Aqoon ahaan iyo qalab ahaan ayay wataan. Imika halka ugu halista badan lihi waa Sanaag barrigeeda oo ay ku soo gabadaan Kooxahaasi, Maamul ahaana waad ogtihiin Somaliland saamaynta ay ku leedahay, hadana sidaasa dedaalka aanu samaynay aniga oo halkaas fadhiya ayaa Walk Talk-gaa aad arakayaasn ee aan Hargeysa la iska maqal ayaan kula xidhiidhaa Qalaba aanu ku rakibnay Ceerigaabo” ayuu yidhi.
Dhinaca kale warbixintaa oo warbaahinta Somaliland daabacday labadii maalmood ee u danbeeyay, ayaa sababtay in xukuumadda Somaliland xabsiga u taaxaabto maanta mid aka mid ah saraakiishii sirdoonka ee xiliggi Daahir Rayaale, kaas oo saacado ka dib xoriyadiisa loo celiyay, isla markaana aan weli la aqoonsan ujeeda xadhiiga iyo inay ka dhalatay warbixintaa lagu xusay inay qaar ka mid saraakiishii sirdoonka Somaliland ka haajireen dalka markii ay xukuumadda cusubi qabsatay talada 2010.
halkan ka akhri warbixinta qramada midoobay(riix)
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com