-
Published On: Wed, Sep 14th, 2011

Taliyaha Qaybta Booliska Ee Sool Oo Soo Bandhigay Sababaha Loogu Guulaysan Waayay Siyaasadaha Xukuumaddihii Somaliland Kala Danbeeyay Ee Ku Wajahan Gobolkaa Iyo Xalka Lagama Maarmaanka Ah

Smiley face
Share This
Tags

Laascaanood(ANN) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka  Sool  Ex-Col, C/llaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo dhowaan loo magcaabay xilkaa, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii dhinaca Milateriga  ku xeel dheeraa ee dawladii hore ee Somalia, balse dhinaca siyaasada u leexday tan iyo intii ay Somaliland

 

lasoo noqotay  madaxbanaanideeda, kana mid ahaa dadkii ka qayb qaatay hawlihii nabadaynta, i dib u dhiska iyo dumuqraadiyada Somaliland ayaa ka hadalay muuqaalka siyaasadeed ee xaalada gobolka Sool iyo Buuhoodle.
Sidoo kalena  sharaxaad ka bixiyay asbaabaha salka u ah inay xukuumaddihii soo maray Somaliland ugu guuldaraysteen  in bulshada gobolkaa lagu qanciyo qorshaha siyaasadeed ee xukuumaddahaa iyo inuu meesha ka baxo khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyay in wax loo qabto dadkaa.
Col. C/llaahi Xaaji  (Calas), waxa uu qoraal   dheer oo uu ku hoga-tusaalaynayo  dhacdooyinkaa iyo aragtidiisa xalka ku sharaxay  oo shebekada Araweelonews soo gaadhsiiyay ciwaan uga dhigay,  “Ma shaacinaa mise waa huursanaa sababta looga gudbi waayey su’aasha
Gobolada Bari muddo 20 sanadood ah.”

Si loo wada fahmo barta ay salaaddu ka xidhmi weyday dabcan waa in la shaaciyo. Hadaba bu’ada suaasha lagu curqayaa miyaanay ahayn:- ma dadka ku dhaqan goboladaas xarunta u ahaa halgankii dalkani kaga xoroobay boqortooyadii England 26kii June 1960kii ayaa dafirsan wadaniyadooda somalilandnimo mise farsamada siyaasadeed ee dalka ayaa si kalaysan oo isku sawaaban.

Hadaba si jawaab sugan loo helo waa in dib loo milicsado carayntii siyaasadihii dawaysnaa ama sumaysnaa ee soo dhex maray xukuumadihii hogaanka dalka  u kala dambeeyay iyo madaxda deegaanadaas.

Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal

Dad badani waxay qabaan in Madaxweyne Cigaal fogeeyay arinta gobolada bari ka dib markii uu daafadeeyay xubnihii Garaad Cabdiqani u soo xulay inay beesha Dhulbahante uga wakiil noqdaan goleyaasha xeer dejinta qaranka.

Waa dhab in dhacdadaasi ahayd simbiririxasho siyaasadeed oo dhibteeda lahayd. Laakiinse ninka wax qabtaa waana khaldaa waa qaab siyaasadeed oo shiilan. Waxaaba la yidhi mar walba khalad waa ina Daanweyne, balse haddii hogaamiyuhu gar waaqsado khaladkiisa, yeeshana awoodda sixitaanka inta
badan wuxuu noqdaa madaxweyne hogaamintiisu burji iyo barako leedahay oo lagu tanaado (la mahadiyo). Haddiise uu u garab dhiibiyo garwaaqsiga iyo sixitaanka khaladkiisa markaas wuxuu noqdaa madaxweyne aan hogaamintiisu burji iyo barako lahayn oo la riiqmo (la eedo). Ogaada  taariikhdu uma qoranto sida loo jecel yahay ama loo neceb- yahay ee waxay u qorantaa siday u dhacdo.

Hadaba, waxaan leeyahay Madaxweyne Cigaal waa garwaaqsaday waana saxay sibiibixashadiisa siyaasadeed (his political slippery ) waxaana udaliil ah eega halka ay arimuhu dhanka guusha ugu siisiqayeen markii uu geeriyooday (Eebbe naxariistiisii jano ha ka waraabiyee).

Taageerada dadweynaha ee garabka Somaliland waxay sii dhaafaysay 75% sidii ku cadaatay xaaladii ay kala kulmeen labadii wefti ee Madaxweyne Rayaale isaga daba diray G/sool sanadihii 2001 – 2002- dii. Wuxuu dhisay ciidan qaran oo gaadhayay 1200 – 270 police ah oo diyaar u ahaa inay buuxiyaan kaalinta weli madhan ee Beesha Dhulbahante ku leedahay dhismaha noocyada ciidamada dalka Somaliland.
Intaas ka dib ayuu Madaxweyne Cigaal u diray garaadada  Dhulbahante warqad si maamuus leh loo qoray isaga oo ku war geliyay inuu u fidin doono gogol wada hadal iyo wada xaajood marka uu ka soo laabto South Africa ayaguna waa soo dhaweeyeen oo waa aqbaleen.

Sababahaas awgeed, mugdi kuma jiro in Madaxweyne Cigaal Tiyooriyo ahaan u xaliyay mushkilada gobolada bari toban sanadood ka hor. Laakiinse ayaan darro xiliga fulinta ayay ku timi geeridii naxdinta
lahayd ( Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee) xalkiina sidaas ayuu ku dhicisoobay.

Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale.

Madaxweyne Rayaale wuxuu qaaday tallaabo loo riyaaqay bar bilawgiisii siyaasadii xukuumadiisii aakhirkii loo yiqiin feento, maxaa yeelay wuxuu isaga daba diray G/sool laba wefti oo ay kala hor kacayeen hal doorka labada gole ee dhaqanka iyo (guurtida) -(Wasiirada) sanadihii 2001 –  2002dii. Wufuudaasi waxay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehan tahay u sii ambaqaadeen siyaasadii Marxuum Cigaal ee yool abaarkeedu ahaa hanashada kalsoonida shacabka deeganadaasi waxay gaadhsiiyeen taageerada garabka Somaliland ilaa 88% sanadkii 2002- dabayaaqadeedii.

Hadaba suaasha lagu dayoobayaa waxay tahay:- xageebay ku dambeysay taageeradaasi ileen waa tan maanta ka hoosaysa 4% ? waa yaab maxay ahayd aafada siyaasadeed ee inoo dhuumatay oo ina qaawisay yaase kamasuul ah?.

Fayraska baabiiyay hanaanka siyaasadeed ee horusocodka ahaa ee Madaxweyne Cigaal wadada u xaadhay waxaa xambaarsanaa safarkii aan maangalka ahayn ee Madaxweyne Rayaale ugu sii siigeeyay kagana soo sii siigeeyay magaalada Laascaanood 9kii December 2002-dii.

Fayraskaasi wuxuu masiibo siyaasadeed oo lagu riiqmay noqday ka dib markii Madaxweyne Rayaale u garab dhiibiyay khaladkii dhacay jawaabna uga dhigay inuu si khiyaano qaran ah ugu soo raray jiida magaalada Caynabo. Laga soo  bilaabo maalintaas ilaa xukuumaddii feento meesha ka baxday xaalada goboladaas waa ka sii daraysay , maxaa yeelay eeg siday arimuhu dhinaca dumista ugu sii siqayeen.

Taageerada dadweynaha ee garabka Somaliland waxay ugu sii dhacaysay 4%. Waxaa si anaanimo ah loo baabiiyay ciidamadii Cigaal dhisay iyo mid ka dambeeyayba, iyadoo bedelkoodiina la xalaaleeyay liisaska ku suntan magacyada ardaayo aan la taaban Karin. Rajadii laga qabay fidinta gogol wada hadal iyo wada xaajooday gudhay, ka dib markii Madaxweyne Riyaale u arkay xeelad xukunta lagaga tuurayo.

Hadaba, is bedelkii ku dhacay taageeradaas dadweynuhu waa cashar inoo sheegaya in markay siyaasadu soo jiidato dadka ay soo dilaameen, markay ka didaana waa sii dilaamayeen.Sababahaas awgeed, mugdi kuma jiro in aan dadku marnaba dafirsanayn wadaniyadooda Somaliland nimo (Native Somaliland) , balse barta ay salaaddu ka xidhmi- weyday tahay farsamada siyaasadda oo si daran isugu sawaaban tahay marxuum Cigaal dabadii.

Geba-gebo: daraasadani waxay daaha ka feyday in marxuum Cigaal ahaa madaxweyne hogaamintiisu lahayd burji iyo barako oo lagu dawladoobay (lana mahadiyay).

Dhanka kalena, daraasadu waxay kashiftay in madaxweyne Riyaale ahaa munaafaq aan hogaamintiisu burji iyo barako toona lahayn oo lagu sigtay in Xamar lagu hoos maro (lana eeday). Siyaasiyow ama ku dhaqanka distoorka dalka oo run dhaaro, ama siyaasadda xagjirnimada aaminsanaw oo been dhaaro, balse ogow distoorka raaci mayo ee canka aan buuxsanayaa hadana waxaan doonayaa karaamayn iyo dhaxal taariikheed oo wanaagsan lagaa yeeli mayo, oo hadiiba dadku kuu khaldameen dee ilaahay baan khaldamin oo aan kaa yeelayn.

Hadaba, ama canka buuxso oo habaar iyo cadaab dooro, ama caloosha xidho oo duco iyo janno dooro.

Qormada 2aad ee mawduucan.
Xukuumadda Xisbiga Kulmiye iyo Waayaha Cakiran.

Ama ha soo daahdo ama ha soo deg-degto midho gurashadeedu, balse in madaxweyne Siilaanyo si togan ugu talaabsaday siyaasad nuxur iyo yool –abaar leh markii uu shaaciyay fidinta gogosha wada hadalada iyo wada xaajoodyada waa hubaal. Maxaa yeelay nina soo heli mayo fikrad kale oo siyaasadeed oo lagu gaadhi karayo xal lagu nasto oo lagu nagaado. Laakiinse baaqaas saameynta balaadhan ku leh aayaha qof kasta oo Somaliland u dhashay ayaa majare habaabay sababahaas awgeed.
Waa tan koowaade, waxay gobalada bari Sool iyo Buuhoodle oo siyaasadoodii si qadhmuun u mashruucaysnayd ku hun goobeen is bedelkii laga eegayay xukuumadda Kulmiye.Taa waxa ka sii daran talada mus dambeedkana waxaa sidii u jahaynayay kooxdii dadku u arkayeen inay ka dambeeyeen falalkii yalaalugada lahaa ee argagixiso ee ka bilaabmay magaalada Laascaanood dabayaaqadii ololayaashii doorashadii madaxtooyada ee xukuumadii feento talada haysay welina soconaya.

Waa tan labaade, maangal ma aha in khad siyaasadeedkii gacmo daaliska ahaa ee ku dhisnaa koone-kooneysiga iyo hadba koox la diro oo la soo muranta dad aan waxba ka go’in wax micno leh ka bedesha xaaladan cakiran. Sidaas awgeed, waxaan doorbiday in aan xukuumadda talada haysa u soo
bandhigo barnaamijkan hoos ku muujisan . Daah ma saarna inaan is aamin darada u dhaxaysa dhinacyada ku kala durugsan afkaarta siyaasadeed  la isugu keeni- karayn hawlgalo googoos
ah oo aan lahayn xisaabtan iyo jadwal la raaco toona.

Sababahaas awgeed. Baahida koowaad waa in la dejiyo barnaamaj- hawlgal siyaasadeed iyo military oo is xambaarsan ( Comprehensive mission)  oo strategic ah, ujeeddo iyo yool abaar qeexan leh, bar bilaw iyo dhamaad wakhtiyaysan leh, loona fulinayo si maraaxil ah oo kala go’ lahayn. Ka midha dhalinta barnaamijkan:- dabcan (of course) waa in la magacaabo guddi hogaamineed (Steering committee) oo heer qaran ah, fadhigooduna noqonayo magaalada Burco ilaa inta laga nadiifinayo qodxaantii ay kooxaha argagixisada shiban ah (silent alshabab groups) ku daadiyeen magaalada Laascaanood.

Xubnaha guddiga waa in laga soo xulaa inta ugu aqoon iyo khibrad, hawlkarnimo, hufnaan, hal-abuur iyo daacadnimo badan khubarada siyaasadeed iyo military ee Somaliland. Waa in lagu sameeyo is bedel sal iyo baar ah maamulada tayadoodu liidato ee gobolada iyo degmooyinka ayada oo bedelkoodana lagu soo xulay shuruudaha kor ku xusan. Waa in la soo oodo jiritaanka jabhadda ardaayaysan, lana abuuro ciidan la jaan qaada ciidamada qaranka si ay shacabku ugu arkaan ciidamadoodii halka ay imika u arkaan kuwo ku soo duulay.

Gunaanad:  inkastoo arimaha siyaasad bulsho siyaabo badan isugu sawaaban yihiin, hadana haddii la gar waaqsado majare habawgii daafadeeyay baaqii Madaxweynaha lana toosiyo, isla markaana si
aqoonaysan loo dabakho barnaamijkan, waxaan ku kalsoonahay in khilaafkan labaatan jirsaday lagaga gudbi doono muddo ka yar hal sano, haddii kalese lama saadaalin karo siday xaaladdu ku dambeyn doonto.

Odoroska natiijada

Dabcan aqoonsiga Somaliland wuxuu noqon doonaa bilaa xujo. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu noqon doonaa ( Abraham Lincoln-ka Somaliland iyo weliba Soomaaliya). Maxaa keenay Soomaaliya? One might be tempted to exclaim that why Col. Alas brings Somalia here? Others may accuse me of inclining to
Somalia. It all make non-sense, but I believe more strongly then where is that:- haddii Somaliland cod ku yeelato golaha loo dhan yahay somalilanders ku waxay ku khasbanaan doonaan inay miino- baadhayaal ka noqdaan dedaalka Beesha Caalamka ugu jirto badbaadinta soomaalida sii hoobanaysa oo dabar go’oodu yahay  dabar go’eena.“ Allaha awoodda leh beesha caalamku ha u nuuriyo in xalka soomaaliya
ka dhaw yahay in la aqoonsado Somaliland, dabadeedna Hargeysa “.

Col. Cabdilaahi Xaaji Jaamac
Taliyaha Qaybta Booliska G/Sool

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>