Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga  madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda safaarada Britain ku leedahay dalka Ethiopia. Kadib markii ay booqasho gaaban ku yimaadeen magaalada Hargeysa. Wefdigaa oo uu hogaaminayo Chris

 

Allen oo
ah ku xigeenka xoghayaha koowaad ee safaarada Qoraal kooban oo kasoo baxay kulanka Madaxweynaha  Somaliland iyo wefdiga safaarada Britain ee Ethiopia ayaa u qornaa sidan:-  “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti 3 xubnood ka kooban oo ka socda safaarada ay dawlada Ingiriisku ku leedahay Addis Ababa.
Weftigan oo uu horkacayo Chris Allan oo ah ku xigeenka madaxa Hay’adda mission, isla-markaana ay weheliyaan xog-hayaha labaad ee safaarada Ingiriiska ee dalka Itoobiya Matt woods iyo Haweenay ka socota Hay’adda DFID ee dawlada Ingiriiska u qaabilsan dhinaca horumarinta iyo kaalmooyinka oo lagu magacaabo Paulina.

 


Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay kulankooda kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta arrimaha bulshada iyo adkaynta nabad-gelyada, la dagaalanka budhcad-badeeda, xoojinta xidhiidhka wadamada jaarka ah, iyada oo kulankanina uu daba socday kuwa ay hore u wada yeesheen labada dhinac, isla-markaana ay dawlada UK u soo dirtay xubnaha weftigan xog-ogaal u noqoshada xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, maadaama uu marba marka ka sii dambaysa xididaysanayo xidhiidhka dhaqan-dhaqaale ee labada Dawladood.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay booqashada weftiga ay ku yimaadeen Somaliland, isaga oo dawlada UK-na ku ammaanay xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Wefdigaa oo uu hogaaminayo Chris Allen oo ah ku xigeenka xoghayaha koowaad ee safaarada, isla markaana ah Khabiir mudo dheer ka shaqaynayay daraasado la xidhiidha  arrimaha horumarinta bulshada iyo is dhexgalka bulshooyinka, deegaanka iyo dabeecadaha  sida Islaamka iyo dadyowga kale. Sidoo kalena xubin ka ah xarunta caalamiga ah ee daraasaadka khilaafaadka iyo iskaashiga abuurista dawladnimo ee MISSION oo loo soo gaabiyo , ((3CG), taas oo baadhitaano  iyo daraasado ka samaysa kala duwanaanshaha dhaqaallaha, siyaasada, adeegyada aasaasiga ah ee bulshooyinka dhaqanka iyo doorashada ama rabitaanka bulsho, ayaa la filayaa inay booqashadoodu la xidhiidho sidii mashaariic dhinaca kobcinta dhaqaallaha iyo adeegyada aasaasiga ah loogu abuuri lahaa Somaliland, iyadoo ay warar hoose oo la xidhiidha socdaalka wefdiga tibaaxayaan in aanay ka madhnayn kulankaasi arrimo siyaasadeed.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *