Hargeysa(ANN) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa qoraal dacwad ka dhan ah Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Komishanka Qaranka  AID’s-ka C/kariim Axmed Xinif. Kadib markii uu habeenimadii Isniintii 12 Sep. 2011. Kaga hadlay waraysi uu siiyay Telefishanka Horn

 

Cable ku sheegay in aanu Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi awood u lahayn magcaabista Xoghayaha guud ee Xisbiga oo August 2011, loo magcaabay Xasan Siciid Yuusuf.
Hase yeeshee Gudoomiyaha Kulmiye oo ka cadhooday arrintaa ayaa qoraal dacwad ah u gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, isagoo ku dooday inuu masuulka Komishanka Qaranka  AIDS-ka ee arrintaa ka hadlayay xaq u lahayn inuu galo arrimo siyaasadeed, maadaama aanu sharcigu u ogolayn, isla markaana xubinadii xisbiga iyo xilkii uu ka hayay xisbiga meesha ka bexeen markii uu noqday shaqaale dawladeed. Sidaa awgeed xeer Ilaalinta iyo Hay’addaha garsoorka looga baahan yahay inay talaabo ka qaadaan.
Ma jiro war rasmi ah oo jiritaanka qoraalka la xidhiidha oo kasoo baxay dhinaca Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Xeer Ilaalintaba, balse ila wareedyo  xog ogaal u ah arrintaa ayaa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijyay inuu Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo ka cadhooday eedaynta C/kariim Xinif u gudbiyay shalay Xeer Ilaalinta qaranka dacwad, isagoo dhinaca kalena Madaxweynaha Somaliland la socodsiiyay arrintaa
Sidoo kale qoraalka ayay wararka la xidhiidhaa sheegeen inuu gudoomiyuhu la socod siiyay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana uu talaabadaa dacwada ah qaaday markii uu qaar ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga kala tashaday. Lama garanayo inay xeer ilaalinta qaranku arrintan jawaab sharci ah ka bixinayaan iyo in kale.

 

Maaha markii u horaysay ee uu arrimo siyaasadeed ka hadlo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Komishanka Qaranka  AID’s-ka C/kariim Axmed Xinif tan iyo markii Madaxweyne Siilaanyo xilkaa u magcaabay 26 August 2010, balse mudo yar kadib markii xilkaa loo magcaabay 27 January  2011,   waxa uu ka hadlay arrimo siyaasadeed oo la xidhiidha mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland, isagoo xiligaa qoraal lagu daabacay wargeyska Jamhuuriya ee kasoo baxa Hargeysa, ku sheegay inay lama huraan tahay wadahadal shexmara  Somaliland iyo Somalia, waxaana dhawaaqiisa xiligaa ka dhashay doodo siyaasadeed, iyadoo ay dad badani is weydiinayeen sababta sarkaalkaa shaqaalaha dawladeed uga hadlay arrimahaa xaasaasiga ah.

Dhinaca kale waa markii u horaysay ee Xisbi xaakimka talada dalka hayaa jawaab dhinaca sharciga iyo hay’addaha garsoorka u gudbiyo masuul shaqaale dawladeed ah oo ka hadlay arrimo siyaasadeed  iyo xisbi oo aanu sharcigu u ogolayn, iyadoo xiligii xukuumaddu Daahir Rayaale shaqaalaha dawladda inta baddan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo xisbi oo aan xeerku u ogolayn, taas qaarkood saamayn ku yeelatay mustaqbalkooda shaqo, markii ay si badheedh ah ula safteen xisbul xaakimkii hore ee UDUB. Laakiin lama garanayo inay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee talada dalka hayaa soo jeedin doonaan in talaabo sharci laga qaado masuulka shaqaale dawladeed ah ee ka hadla arrimaha siyaasada iyo inay noqon doonto mid ku koobanaanta oo keliya Mr. Xinif oo sababta dacwadiisa loo gudbiyay ay noqonay oo keliya inuu ka hadlay wax aanu raali ka ahayn gudoomiyaha Kulmiye. Sidaa awgeed aanay arrintu ahayn ilaalinta sharciga ee ay tahay masuul awood sharci gabood uga dhiganaya arrin lagu dhaleeceeyay oo isaga la xidhiidha, balse waxa xaqiiqda arrimahaasi soo baxayaan jawaabta ay hay’addaha sharcigu ka bixiyaan dacwadaa iyo saamaynta ay ku yeelato shaqaalaha dawladda.  

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *