Hargeysa(ANN) Taliyaha laanta  baadhsita  denbiyada Somaliland ayaa waaran qabasho ah u jaray  tafaftiraha Wargeyska saxafi oo kasoo baxa magaalada hargeysa, iyadoo ay hore Maxkamaddu  xukun  ganaax ah ugu riday Wargeyskaa.

Sidaana
waxa lagu sheegay qoraal uu shalay soo saaray Guddoomiyaha wargeyska Saxafi Maxamed Rashiid Muxumed Faarax,balse qoraalka laguma sheegin sababta baajisay in waaranka lagu qabto tafaftiraha, laakiin qoraalka gudoomiyaha saxafi  ayaa  u qornaa sidan;-“Wargeyska saxaTalliyaha ciidanka baadhista danbiyadda (CID) ayaa maanta waaran xadhig ah u soo gooyay tifaftiraha guud ee Wargeyska Saxafi Cabdifataax Maxamuud Caydiid. Ka dib markii sidda la sheegay uu Khamiistii todobaadkan dacwad labaad ka gudbiyay Wargeyska wasiirka duulista hawadda oo hore dacwaddoodu uga socotay Maxkamadda Gobolka.
Dacwaddaas hore, 30-kii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa Maxkamaddu go’aan ka dhan ah Wargeyska Saxafi soo saartay, iyaddoo ku ridday Kun Dollar oo ganaax ah iyo digniin. Taas oo Wargeys ahaan aanu u arragnay in aanu waafaqsaneyn Xeerka Saxaafadda Somaliland ee labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ansixiyeen 2004, isla markaana Madaxweynaha Somaliland saxeexay dhaqan-galkiisa.

Isla markaana aanu ka qaadanay Racfaan xukunka hore Maxkamadda gobolku noogu ridday maadaama oo aanu waafaqsanayn sharciga iyo xeerka Saxaafadda Somaliland.
Haddaba, Wargeyska Saxafi isagoo u hoggaansan Sharciga dalka iyo sida uu dhigayo Xeerka Saxaafaddu, haddii ay ka timaado cabasho oo ay ciddi dhibsato qoraal ku soo baxay wargeyska ama war uu baahiyay, waxaanu u diyaarnahay inaanu iskaga difaaco Maxkamad cadaalad ah si waafaqsan sharciga. Balse, taa bedellkeeda , waxaanu ka soo horjeednaa sifo kasta oo ka horimanaya xoriyatul-qawlka iyo madax banaanida saxaafadda ee distoorka Somaliland damaanadqaaday iyo habka uu jidaynayo xeerka Saxaafadda Somaliland in loo maro dacwadaha iyo cabashada laga tabanayo qoraal wargeyska ku soo baxay. Talaabooyinkaa xad-gudubka ah oo ay ka mid-tahay, Waaranka hadda Xukuumaddu u soo goysay Tafatiraha Wargeyska Saxafi, iyaddoo aan wax danbi ahi ku caddaan.

Midda kale, waxaanu sideedaba cambaaraynaa in dhaqanka hay’adaha garsoorka iyo Boolisku ay caadeysteen eek a dhanka ah Warbaahinta madaxabanaan horeyso iyo danbeysaba. Iyaddoo aad moodo inay u dhisan-yihiin kalli ah inay illaaliyaan Masuuliyiinta Xukuumadda oo ay mar walba si in dho la’aan ah u barbar istaagaan iyaga oo aan hubsan cabashadooda wax ka jira.
Ugu danbeyn, waxaanu caddeynaynaa in aanaan sinaba uga hadheyn masuuliyaddayadda iyo kaalinta sharcigu na siiyay ee saxaafadeed iyo in aanu ka soo horjeedno xeerka Ciqaabta Guud oo ah xeer ay samaysatay dawladdii Somalia oo aan ogolayn Saxaafad madax banaan iyo xoriyatul-qawl toona.”

Araweelonews Mobile Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *