Hargeysa (ANN)- Qaar ka mid ah jidadka qadiimiga ah ee caasimadda Hargeysa, ayaa waxyeelo culusi ka soo gaadhay daadad ka soo rogmaday roobabkii ugu horreeyey ee gu’ga oo curtay badhatamihii toddbaadkii hore, kadib markii buundooyin jidadkaasi ku yaalay  uu awday qashin xadh-dhaaf ah

 

oo muddo dheer lagu qubayey meelaha laagaha iyo biyo mareennada jidadka ah.
Jidadka Buundooyinka ku yaal daadadku burburiyeen waxa ka mid ah jidka halbawlaha ah ee hormara madaxtooyadda iyo jidka dhinaca koonfur galeed ka mara Maxkamadda Sare, iyada oo daadadku dumiyeen buundadda isgoyska madaxtooyadda ee labadaas wado isku xidha, waxa kale oo buundooyinka roobabku khasaaraha culus u gaysteen ka mid ah buunda weyn ee laga galo xaafadda State House-ka oo go’day, buundadda wadadda ka soo dhaadhacda dalacada Xero-awr ee Masjidul-nuur, agagaarka guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Cawil Cali Ducaale, kuwaasi oo gabi ahaanba daadadku soo gaadhsiiyeen khasaare culus oo gaadiidku aanay isticmaali karin.

 

Weriyeyaal Jamhuuriya ka tirsan oo shalay kormeer ku soo maray qaar ka mid ah jidadka Hargeysa, ayaa soo arkay inay jiraan buundoonyin iyaguna halis ugu jira  in waxyeelo soo gaadho haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, kuwaasi oo ay ka mid yihiin buundadada u dhaw dukaanta Sacaadadiin ee ku yaal jidka dhinaca galbeed uga baxa caasimadda Hargeysa, buundada u dhaw xarunta agoomaha Hargeysa oo dhinaceeda hore ee loogu tallogalay in biyuhu ka baxaan laga dhisay gadaar, halkaasi oo biyu fadhiisin noqotay, isla markaana biyahaasi u jabeen dhinaca xaafadaha ku dhaw xaruntaasi, buundadada hormarta Guriga Shaqaalaha, iyada oo biyaha buundaasi ku fataheen dukaano iyo meheradu agaas ka dhaw. Waxa kale oo halis ku jirta buundadda laagta ka soo baxda xaafadda Goljano ee ku taal isgoyska wadada dhakhtarka weyn daba marta iyo jidka dhinaca bari ka soo gala xarunta hay’adda Shaqaalaha, kuwaasi oo dhammaantood u dhintay dacaya ka yimi dawladda hoose ee Hargeysa oo la xidhiidha dhinaca qashin ururrinta iyo daryeelida buundooyinka, iyada oo qashinku buux dhaafiyey meelaha biyo mareennada ah oo dhan.
Jidadka qadiimiga ah ee daadadka roobku waxyeelada culus u gaysteen ayaa sida ka muuqata waxa burburkooda sababay, kadib markii qashin aad u tiro badani xidhay dhammaanba ilihii biyuhu marayeen, iyada oo taasi keentay in daadku ku fatahaan guryaha iyo xaafadaha u dhaw, isla markaana khasaare u gaystaan, iyada oo roobabkaasi sababeen dhimashada laba qof oo reer Hargeysa ah, kadib markii gurigii ay ku jireen biyuhu ku dumiyeen.
Waxa weriyeyaashu soo arkeen in aanay ilaa hadda buundooyinkaasi go’ay ama halista ku jiraa wax gurmad ah ka helin dawladda Hoose ee u xilsaarnayd dayactirka waddooyinka iyo ilaalinta bilicda magaalada, marka laga reebo jidka hormara madaxtooyadda oo  dawladda hoose ka waday hawlgal u muuqda istus laga dheehan karayey inay ku qarinayaan ceebahooda meel walba tuulan ee sababay in qashinku meel walba tuulmo, kaasi oo keenay in khasaaraha qashinkaasi sababay uu afka uga galo madaxtooyadii looga talinayey Somaliland.

 

Fadeexaha kale ee ka soo ifbaxay hawlgalkaasi istusida ah ee dawladda hoose ka wado madaxtooyada horteeda waxa ka mid ah in khashinkii jidkaasi halbawlaha ah burburiyey ay iska rogooyin ka qaadeen, kadib ay si foolxumo iyo masuuliyad darro ah ugu shubeen dayrka dhinaca Koonfureed ee dhismaha mac-hadka hay’adda shaqaalaha Somaliland oo marka horeba ay daadadku dayrkiisa ka soo dhex boodeen, iyada oo uu hore halkaasi u sii tuulnaa qashin qoyan oo aan ciddi ka qaadin.
Madaxa Fayo-dhawrka Gobolka Maroodi-jeex Cabdiwahaan Nagruuma, ayaa weriyeyaasha u sheegay in qashin badani buux dhaafiyey caasimadda Hargeysa, gaar ahaan goobaha biyo mareennada ah, isaga oo dawladda hoose ku eedeeyey inay ka gaabiyeen waajibaadkooda shaqo ee la xidhiidha nadiifinta jidadka magaalada, isaga oo xusay in marka laga reebo khasaaraha jidadka iyo buundooyinka soo gadhay ay qashinka iyo biyaha buundooyinka hoos fadhiya ka dhalan karaan cudurada faafa. Sannado ka hor ayuu madaxa Faya-dhawrka caasimadda Hargeysa ka sii digay halista ku soo fool leh buudada madaxtooyadda hormarta ee hadda go’day, isaga oo xilligaa arkay qashin badan oo lagu dhex daadiyey biyo mareen buudadaas ku soo dhaca oo ku dhexyaal xarunta baarlamaanka Somaliland, iyada oo xilligaa askarta ilaalada baarlamaanku xoog kaga saareen dhismaha, kadib markii uu saxaafadda tusay qashinka tuulan biyo mareenka baarlamaanka ku dhexyaal, iyada oo xashiiskaashi qayb ka yahay sababaha gooyey buundada isgoyska madaxtooyadda.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan agaagaarka buudada wadada ka soo dhaadhacda masjidak Al-nuur ee ku yaal dalacada Xero-awr, ayaa cabasho ka muujiyey dhibaatada biyaha buundadaasi xaafaddooda ku hayaan, iyaga oo madaxda xukuumadda Siilaanyo ka codsaday inay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabtaan dhismaha iyo dayactirka buundadaas, maadaama aanay wax rajo ah ka sugayn dawladda hoose ee Hargeysa, gaar ahaan maayirka caasimadda.
Hooyo Canab Samatar Cabdi oo ka mid ah dadweynaha xaafadaas ku dhaqan ayaa si qiiro badani ka muuqato uga hadashay dhibaatooyinka daadka ka soo rogmada buundaasi ku hayaan dadka iyo guryaha u dhaw.
“Anagu maayir Jiciir waxba kama dhegaysanayo. Waayo waxba ma qabanayo oo horeba wadadan waxba wuu uga qaban waayey, inta uu soo dulmaro ayuu dhaafaa, shacabka magaalada waxba uma qabanayo, waddooyinkii baa go’an, xashiishkii baa yaal, biyihii baa soo fatahaya, intaas oo sanno ayuu Jiciir maayir ahaa oo waxba kama sugayno, markaa waxaannu gurmad ka sugaynaa madaxweynaha cusub iyo xumumadda cusub ee aanu dooranay,” ayey tidhi hooyaddaas ka cabanaysay dhibaatooyinka qashinka iyo daadadku ku hayaan xaafadooda.
Weriyaha Jamhuuriya oo shalay la kulmay qaar ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka Hargeysa, ayaa wax ka weydiiyey ceebaha dul hoganaya dawladda Hoose ee Hargeysa iyo sababa wax looga qaban waayey khatarta buunduuniyinka iyo jidadka ee sii cocota, iyaga oo eedaymaha arrintaas isaga riixay dhinaca maayirka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ay ku tilmaameen masuul danihiisa gaarka ah la raacay waajibaadkii ummaddu u igmatay, isla markaana ay gacantiisa ku ururtay awoodihii golaha deegaanka iyo dawladda hooseba.
Xildhibaan Khadar Xasan Like oo la weydiiyey sababaha keenay dayaca jidadka caasimadda Hargeysa iyo khasaaraha buundoyinka, waxa uu sheegay in arrintaasi ay sabab u tahay maamul xumo dhinaca dawladda hoose ahi, “Waxa arintaasi keenay maamul xumo dhinaca dawladda hoose ah, 25-ka xildhibaan ee golaga deegaanka awoodoodii waxa haysta maayirka caasimadda oo diiday in cid kale la wadaagto, mana ogola in qof waliba qaybtiisa ka qaato, Hargeysa waa caasimad aad u ballaadhan oo nin kali ahi inuu maamulo way ka ballaadhan tahay oo haddii qof kali ahi maamulayo waxa loo dayn lahaa maayirkii la soo magacaabi jiray, maayirkuna ma ogola in isaga mooyee cid kale dhaqdhaqaaqdo, baylahda magaalada haysatana arrimahaas ayaa u sabab ah.
Waxa la sameeyey shirkaddo dhulka nadiifiya oo baabuurtii dawladda hoose lahayd ayaa la siiyey, qandaraaskii la siiyeyna kuma shaqeeyaan, arrintaasna waa in aanu dib ugula xisaabtanno, laakiin nadiifinta goobaha biyo mareennada ah dawladda Hoose ayaa iska leh,” ayuu yidhi xildhibaan Khadar Xasan Like.
Xildhibaan Ismaaciil Caymis oo isagana weriyeyaashu shalay kula kulmeen jidka hormara madaxtooyadda Somaliland, ayaa sheegay in burburka soo gaadhay waddooyinka iyo buundooyinku yahay dayac ka yimi dawladda hoose ee Hargeysa, isaga oo xusay in qashin badani xidhay buundooyinka magaalada Hargeysa.
Xoghayaha dawladda Hoose ee Hargeysa Mr Deeq Xirsi Canbuur oo weriyeyaasha u waramay,  ayaa isaguna daboolka ka qaaday in kaabadihii hore ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan buundadda Isgoyska madaxtooyadda la sameeyey sannadkii 1984, isla markaana aan ilaa xiligaa ciddi hoostooda nadiifin, isaga oo xusay in shirkadaha Isgaadhsiintu qayb ku leeyihiin eedaha burburka kaabadaha, maadaama ay xadhkaha telefoonnada ee dhulka hoostiisa maraya ay mariyeen, kuwaasi oo uu sheegay inay cidhiidhi geliyeen biyaha mara. Waxaannu xoghayaha dawladda hoose xusay inay sida sida ugu dhakhasaha badan wax uga qaban doonaan dayactirka buundooyinka caasimadda Hargeysa.
Dad badan oo reer Hargeysa ah ayaa ka walaacsan khasaaraha ka dhalan kara daadka ka soo rogmada roobka guga ee dalka ka curtay, iyaga oo ku doodaya in roob saacado badan da’aa uu sababi karo dhibaatooyin baahsan oo caasimadda soo gaadha, maadama roob laba saacadood da’ayey uu burbur badan u gaystay jidadka iyo buundooyinka magaalada. Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyay ku mashquulsanayd Buundada isgoyska wadada  madaxtooyada iyo maxkamadda sare, waxayna awoodooda oo dhan isugu geeyeen jidkaa, kaas  oo ay maanta ku guulaysteen inay dhamaystiraan oo gaadiidku maraan.
Hase yeeshee dhamaan buundooyinka kale ayaa weli go’an, iyadoo aan wax hawl ah laga bilaabin, isla markaana dawladda hoose ee caasimada Hargeysa ayaa awoodi weyday inay qashinka ka guraan magaalada, waxa jira shirkado qandaraas lagu siiyay ururinta qashinka caasimada, kuwaas oo dhaqaalle baddan ka macaasha, iyagoo bajadka miisaaniyada dawladda hoose oo malaayiin ah masuuliyiinta dawladda hoose sheegaan inay ku baxdo, sidoo kalena ay jiraan hay’addo lacag ku bixiyaa, kuwaas oo ay dheer tahay lacag ay shirkadaha qandaraaska qashinka haystaa ka guraan dadka xaafadaha,  balse  hadana waxa magaalada caasimada ka muuqda qashinka faraha baddan ee tuulan goobo mihiim ah oo qaarkood yihiin badhatamaha caasimada. Sid kastaba ha ahaatee waxa  muuqata inay dawladda hoose ee caasimada hargeysa ku guuldaraysatay inay wax ka qabato buundooyinka iyo jidadka weli xidhan iyo qashinka faraha baddan ee daadsan laagaha biyo mareenka ah iyo goobo kale oo badhatamaha magaalada ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *