Somaliland Police arrested journalist

Berbera(ANN) Ciidamma Booliska Berbera, ayaa maanta xabsiga  u taxaabay Weriye Axmed Aadan Xirsi (Axmed-aadan dheere) oo ah Weriyaha Wargeyska Haatuf uga soo warama Gobolka  Saaxil Ciidammada Booliska, ayaa weriyaha xidhay

xilli duhurkii maanta ah oo uu ku gudo-jiray hawlmaalmeedkiisa shaqo,  sida uu maanta u xaqiijiyay shebekada Araweelonews waxaanay bileysku tuseen warqad waaran qabasho ah oo ka soo baxday Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Berbera Xamse 
Ma jiro war rasmiya oo lala xidhiidhinayo xadhiga Weriye Axmed Aadan Dheere, haseyeeshee waxa wararku sheegayaan in waaranka qabashada ee loo keenay weriyaha uu nuxurkeedu ahaa ammar ciidanka booliska lagu siiyay inay qabtaan oo saldhiga ku hayaan Weriye Axmed Aadan Dheere inta ammar danbe ka soo baxayo, taas oo aan lagu xusin cid uu dembi ka galay iyo cid ka dacwoonaysaa toona.

Weriye Axmed Aadan Dheere, ayaa haatan ku xidhan saldhiga Xaafadda Wadajir ee magaalada Berbera, iyadoo aan la garanayn cid uu u xidhanyahay iyo cid uu dembi ka galayntoona, balse  tibaaxo  ay heshay shebekada Araweelonews  ayaa sheegaya in xadhiga weriyaha uu ka danbeeyay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Mr. Ramaax, kaas oo aanay noo suurta gelin inaanu wax ka weydiino. 
Dadweynaha Reer Berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil ayaa inta baddan cabashooyin ka muujiya dhibaatooyin iyo tacadiyo sharci darro ah oo ka taagan garsoorka iyo maxkamaddaha gobolka Saaxil oo caan ku ahaa inay sharciga ummadda u dhexeeyay ugu adeegaan masuulliyiintii xukuumaddii hore oo ay laaluush ka qaadan jireen, haseyeeshee  waxa la filayay in Xukuumadda cusub wax ka qabato dhibaatooyinka cadaallada daro,  kuwaas oo dhaqannadii ay hore caanka ugu ahaayeen   oo weli halkoodii kasii socda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *