Hargeysa(ANN)Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka Somaliland General Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) iyo  Abaanduulaha cusub ee ciidanka Qaranka Somaliland Col. C/llaahi Xaaji Jaamac (Calas), ayaaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Talyihii Horre ee Ciidanka Qaranka Somaliland

 

Maxamed Cabdullaahi Xasan (Jidhif) iyo abaanduulihii hore Caydiid Dhabdhable.  ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo Xilkii ka qaaday Taliyihii hore iyo abaanduulihii ciidanka  Khamiistii aynu ka soo gudbnay.

Munaasibada xil  wareejinta oo lagu qabtay Taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland,  waxa ka soo qeyb galay, Wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, labadda Taliye iyo labada abaanduule  ee xilka la kala wareegay  iyo xubno ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Qaranka.
Xil wareejinta  masuuliyiintaa ayaa ahayd mid aan warbaahinta   loo ogolayn oo aanay goob joog ka ahayn, taas oo aan hore loogu baran, balse wasiirka gaashaandhiga ayaa arrintaa ku tilmaamay inaanay mihiim ahayn inay warbaahintu ka qaybgasho maadaama ay arrimo ciidan tahay, wuxuuna xusay inay si fiican u dhacday xil waraajinta masuuliyiintaa ciidanka qaranka ee uu xilka u kala wareejiyay wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami.


Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *