Hargeysa(ANN)Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal).Xafladii loo sameeyay xil wareejinta labadan masuul oo lagu qabtay
xarunta taliska guud ee Booliska waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Duqa Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir iyo saraakiisha ciidanka Booliska.
Taliyihii hore ee Booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen xaalada nabadgelyo ee dalka,  isla markaana nabadgelyadu dalku marayso meel wanaagsan, waxaanu tilmaamay in booqashadii kadiska ahayd ee Madaxweynuhu dhawaan ku soo maray suuqyada Hargeysa ay ka turjumayso cagaha adag ee nabadgelyada dalku ku taagan tahay.
Cilmi Kabaal waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in sagaalkii bilood ee uu hayay xilka ciidanka booliska aanay dalka ka dhicin wax fal dambiyeed weyn ahi, waxaanu tilmaamay inuu yahay sarkaal kayd ah oo la sii shaqayn doona ciidanka Booliska.
“Maxamed Saqadhi, waxa uu sidii ugu jiray Gurigii ciidanka Booliska isagoo isagoo sidii ugu jira ayaa dib loo soo magacaabay, Anaguna idinka ayaan idinka mid ahay oo aan kayd idiin ahay, waxaan Taliyaha u sheegayaa in saraakiisha iyo ciidanka Boolisku ay yihiin dad wanaagsan oo shaqadooda si wadaniyad leh u guta,”ayuu yidhi Taliyihii hore ee ciidanka Boolisku.
Taliyihii hore waxa uu Taliyaha cusub ku wareejiyay 7 kartoon oo ay ku jirto astaanta ciidanka Booliska.
Taliyaha ciidanka Booliska Gen. Maxamed Saqadhi Dubad, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu ku soo noqday ciidankiisii uu la shaqaynayay mudada dheer, waxaanu yidhi
“Waxaan leeyahay haddana way kan waanigan soo noqday waxaanu ku soo noqonay ciidankaygii iyo saraakiishii aan la soo shaqaynayay muddo 4 sanadood ah.”
Taliyaha ciidanka Boolisku wuxuu sheegay inay ka shaqaynayaan ammaanka dalka,  isla markaana ay xoog saarayaan Nabadgelyada caasimada Hargeysa oo uu tilmaamay inay u baahan tahay feejignaan gaar ah.
Maxamed Saqadhi waxa uu tilmaamay inuu sii xoojin doono kala warqaadashadii iyo iskaashigii dhinaca ammaanka ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka hadlay xafladaasi ayaa Taliyihii hore uga mahad celiyay waxqabadkiisii waxaanu Taliyaha cusub u soo jeediyay inuu halkaasi ka sii ambo qaadi xilka qaran ee loo igmaday.
Dr. Gaboose waxa uu sheegay in masuul walba oo xil loo dhiibay uu mar wareejin doono,loona baahan yahay qof walba inta uu xilka hayo inuu la yaabo wax taariikhda u gala.
AraweelonewsMobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *