Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland Axmed Muxumed Madar, ayaa sheegay in shacbiga Somaliland khaati ka taagan yihiin maamuladda Dawladaha Hoose ee dalka oo uu ku tilmaamay inay noqdeen xarumo lagu

 

tilmaansado musuqmaasuqa. Sidoo kale goldaloolooyin ka muuqdaan xarumha wasaaraddaha iyo Hay’addaha kale ee xukuumadda oo wada shaqayntooda iyo sharciyadoodu  liidato.

Md. Axmed Muxumed Madar, oo shalay u waramayay qaar ka mid ah saxaafada waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay waajibaadkooda shaqo. “Haddii aan wax yar ka taabto Guddidan la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul wanaagu waa Guddi la kowsatay maamulkan cusub ee dalka ka taliya, waxa uu la kowsaday dawladan dalkeenu wuxuu soo maray marxalado kale duwan. Anagu markii aanu xisbiga Kulmiye doorashada ku jiray waxyaabihii aanu ummadda u balan qaadi jiray ee dadka badan aanu ku kasban jiray, waxa ka mid ahaa wax dadkana aad u dhibay dalkana la ciifiyey oo ahaa ku tagri-falka hantida dalka.
Waxyaabaha aanu balan-qaadi jiray waxa ka mid ahayd in aanu dhisi doono xukuumad aan ka shaqaysan dalka ee u shaqaysa, waana Hay’adii u horreysay ee madaxweynuhu magacaabay hirgelinteeda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida La-dagaalanka musuqmaasuqa.
Md. Axmed Muxumed Madaar, waxa uu sheegay in ay dedal u galayaan sidii loo toosin lahaa hay’adaha dawliga ah musuqmaasuqana loola dagaalami lahaa.
Guddoomiyaha oo la weydiiyey in Guddidoodani sharciyad leeyihiin, waxa uu ku jawaabay “Marka la magacaabayo Guddiyo waxa awood u leh sida uu distoorku jidaynayo madaxweynaha, marka la magacaabo hay’adana dhismaheedii la bilaabo oo ay nidaamka ay ku shaqaynayaan la sameeyo oo loo gudbiyo Golaha Wasiirada, ka dibna waa in loo gudbiyaa Golaha Wakiilada, sharciyadda qaybteedii hore waanu dhamaystirnay sharcigayagii wuxuu la yaalaa Golaha Wasiirada.” Md. Axmed Muxumed Madar, waxa uu sheegay inay daraasad ku sameeyeen sharciyada ay ku dhisan yihiin Wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah ee dalka, waxaanu tilmaamay inay warbixino ka sameeyeen.
“Waxa galdaloolooyin ka muuqdaan Wasaaradaha iyo wakaaladaha dalkaba, maamul wanaagu waxa weeye in galdalooladaasi la toosiyo oo ay iska kaashadaan hay’ada maamul wanaaga iyo kolba mas’uulka loo igmaday wasaaradaha ama wakaaladaha,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay dawladaha Hoose ee dalka ay noqdeen xarumo lagu tilmaansado musuqmaasuqa isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Dawladaha Hoose ee dalka markii aynu dimuqraadiyada iyo axsaabta samaynay, waxay ahayd halkii aynu ka bilownay, waana Goleyaasha ugu muddada dheer ee dalka ee fartuna ku go’dan tahay, waxa aynu ognahay toosinta maamulka ka sakow inay yihiin xarumo lagu tilmaansado musuqmaasuqa oo ay caan ku yihiin wax ka qabashadooduna waxay u taalaa xukuumadda maanta jirta.
Dadweynuhu waxay khaati ka taagan yihiin dawladaha Hoose, waxaana wax lagaga qaban karaa doorashooyinkii deegaanka oo la soo dedejiyo.”
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *