Hargeysa(ANN) Dayaxa ayaa si tartiib tartiib ah u madoobaaday  meelo baddan oo dunida ah caawa caweyskii, waxaana la arkayay Dayaxa oo dacal casaan noqday mudo kadibna madoobaaday oo la arki waayay bidhaantiisa. Magaalada Hargeysa  iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ah ayaa salaad

 

 

alla ka cabsi ah lag bilaabay cawayskii Caawa. Kadib markii si weyn looga dareemay dayax madoobaadka, isla markaana waxa la waayay xidigihii iyo gebi ahaanba iftiinka cirka.
Dadka ayaa guryohooda kasoo baxay  markii ay maqleen dhawaaqa masaajidada, waxayna dadku camireen masaajidada oo ilaa sideedii caawa laga waday salaad iyo quraan akhris weli ka socda xiligan oo saacada afrikada bari maray saqbadhkii habeenimo.
Dadka wadooyinka iyo shaaracyada marayay  xiligii dayaxu madoobaaday ayaa cirka ku mashuulay, iyadoo dadkii gaadiidka watay ka degeen gaadiidka si ay u eegaan cirka iyo waxa ku dhacay dayaxii oo midabo casaan iyo madaw isku shaqlay. Kadibna la arki waayay.
Dalalka carabta, badhtamaha iyo Bariga Afrika , India  iyo meelo kale oo dunida ah ayaa laga dareemay dayax madoobaadkan oo ay suurta geli weyday in xataa lagu arko telescop , waxaana lagu tilmaamay inaanu sidan oo kale ku dhicin dayaxa taariikhda dunida, marka laga reebo   4,000  oo sanadood ka hor oo sidan oo kale ku dhacday dayaxa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *