Hargeysa(ANN)Taliyaha cusub ee ciidanka booliska ee dhawaan madaxwayne Axmed Siilaanyo xilkaas u magcaabay Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal)  ayaa shaaca ka qaaday in dilkii habeen hore lagu khaarajiyey taliyihii ciidanka Asluubta gobolka Sool Marxuum Cabdi Ciise Nuur dilkiisu uu salka ku hayey arrimo

 

  la xidhiidha aano qabiil, isaga oo sheegay taliyaha ciidanka boolisku Mr Cilmi in ay tododoba nin oo ka tirsan ragii dilkaa geystey ciidamada amnigu ku guuleystey in gacanta lagu dhigo.

Sidoo kale waxa uu soo qaaday Taliyaha boolisku arimaha xasaasiga ah ee dhinaca  amaanka gobolka Sool, waxaanu naqdiyey taliyuhu xaalada amni xumo ee mudooyinkan u danbeeyey ka taagan deegaanadaas, waxaanu balan qaaday in uu wax wayn uu ka qaban doono arimaha nabad galyada  ee Sool.

 

Taliyaha ciidanka booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal)  waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaasa oo uu xalay khadka tilifoonka Wargeyska Haatuf kula yeeshay isagoo ku sugan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxna kaga waydiinay talaabooyinka uu qaadayo ee uu wax kaga qabanayo dhinaca nabadgalyada, cadaalada, Tuugta hubaysan ee falalka iskugu jira dilalka iyo tuugada kaga ugaadhsada caasimada, oo uu sheegay in uu talaabo ka qaadi doono.

 

Taliyaha Ciidanka booliska Cilmi Kabaal mar uu ka jawaabay su’aal ahayd cida ka danbeysay dilkii taliyihii asluubta gobolka Sool  Marxuum Cabdi Ciise Nuur, waxa uu yidhi ”Dilkii loo geystey taliyihii Asluubta gobolka Sool waxa uu salka ku hayey aano qabiil, waxaanu haynaa todoba nin oo ka mid ah ragii dilka geystey iyo hubkoodii, kuwii kalena waxaanu rajaynaynaa in saacadaha soo socda aanu gacanta ku soo dhigno sida ugu dhakhsaha badana saxaafada waanu u soo bandhigi doonaa baadhitaanka kama danbeysta ah”

 

Dilkaa taliyaha Asluubta loo geystey aad ayaan ugu xumahay, waxa kale oo aan Aad uga xumahay in ay cadawga Somaliland dhib intaas leeg soo gaadhsiiyaan saraakiisha ciidamada Somaliland, inkasta oo aanan wali xilkii la wareegin waxa  hadana aniga iga go’an oo iiga meel yaal dhacdooyinkaa lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha qaranka  in aan sida ugu macquulsan u wajaho sidii wax looga qaban lahaa arimahaas. Hadii aan wax yar ka yidhaa dilkaa ragii geystey, wali baadhitaan xoogle ayaa lagu wadaa waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa in sida ugu dhakhsaha badan u soo qabano gacan ku dhiiglayaasha dilay Taliyihii ciidamada Asluubta gobolka Sool (AHN)”

 

Taliyaha booliska waxa uu sheegay in uu aqoon u leeyahay deegaankaas Sool, isla markaana uu ka soo shaqeeyey wakhtiyo badan, isagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Deegaanka Sool iyo dadkiisaba waa deegeen aan aqoon fiican u leeyahay, waxaanan ka soo shaqeeyey mudo dheer, waana dad wanaagsan oo jecel in ay wax qabsadaan, waxaan u soo jeedinayaa Shacbiga reer Sool in ay meel uga soo wada jeedsadaan wixii nabad galyada gobolka ka soo horjeeda,  iskanaqabtaan inta yar ee aan jeclayn in ay deegaankaasi horumaro ee ka abuuraya amni xumada”

Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Somaliland Cilmi  Kabaal mar uu ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd carqalada ilaa hada hortaagan in uu xilka la wareego, maadaama oo madaxdii qaranka ee mar  la wada magacaabay ay xilalkii wada wareejiyeen intii badneyd, waxa uu yidhi “Wax carqalad ah ma jiraan, hawshanina marka Alle u qadaro ayuun bay qabsoomaysaa, mida kale boolisku waa xasaasiyad aad u balaadhan min Lawyo caddo ilaa Sanaag bari ayaa la doonayaa in hal hal liiskooda miiska loo soo wada saaro, hawshaas oo culus awgood ayuun baa keentey in dib u dhacu yimaado”

S:Waxa todobaadkii aynu soo dhaafney Tuug isku dayday in ay khaarajiso Guddoomiyaha maxkamada degmada C/rashiid Beer Geel, khatartan isa soo taraysa ee Tuugta la soo daayey  ay ku ahayaan ummada, maxaa kaaga qorshaysan wax ka qabashadeeda?

J: Tuugta waxa lagu soo daayey cafis guud, oo ku xusan distuurka qodobkiisa 144, madaxwaynuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu cafis u fidiyo oo qodobkaasa u fasaxaya, Tuugta waxa loo xidhayaana waa in uu is badalo qofku, mar kale hadii danbigii uu ku noqdo  oo maxkamadu dambigii ku oogto waa la xaraynayaa, laakiin maxaa loo soo daayey meesha ma taalo.

S: Ma noo sheegi kartaa talaabada ugu horaysa ee aad qaad isleedahay, amba waxqabadkaaga ugu horeeya ee aad rabto in marka aad xilka la wareegtaba aad u hawl gasho?

S:Talaabadayda ugu horaysa ee ii qorshaysan in aan ku dhaqaaqo waxa weeyi in aan wax wayn ka  qabano Amniga, oo la moodo in xasaasiyadi inagu soo korodhay in dhawayd, mihiimadayda ugu waynina waa in amniga dalka wax wayn aan ka qabto, shacbigana waxaan ka codsanayaa in ay nala shaqeeyaan oo ay na garab istaagaan.

S: Maxaad is leedahay ka qabo dhibaatooyinkaas ummada haysta?

J: Waxa nooga meel yaal oo aanu ka qabanaynaa wax wayn arimaha amniga ee sii xumaanaya, cidii lagu qabto dambi isagoo faraha kula jira ama ay ku cadaato, waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan oo la xidhiidha arintiisaas.

S: Waxa dhaci jirtey inta badan dad inta la soo qabto iyaga oo aan wax  danbiya lahayn Saldhigyada mudo badan iskaga jiri jiray, iyaga oo aan maxkamad la horgeyn, arimahaas inaad wax ka badasho qorshahaaga ma ku jirta?

J: Sharcigu ma ogala qofka muwaadinka ah in la iska xidho, aniguna raali ka noqon maayo, ummada Somaliland maaha wax ay raali ka noqonayaan in tacadiyo la geysto, wixii hore u dhacayna masuuliyiin ayaa xilkeeda lahayd, aniguna arintaas in aan wax ka yidhaa ma rabo. Marka aan anigu xilka la wareego wixii sharciga waafaqsana sida uu sharcigu farayo ayaa loogu oogi doonaa, qof danbe oo sharci daro lagu hayn doonaana dhicimayso.

S:Ma balan qaadi kartaa in aad sharciga kolba cida uu xaqa siinayo aad garab istaagto, xataa hadii masuuliyiinta kaa saraysa ay u cuntami wayday?

J: Waxaan balan qaadayaa in aan ummada Somaliland dhex u noqdo oo aan badhtankooda istaago, in aan sidaas yeelaana waa waajib i saran.

S:Maxaad jeceshahay in aad ku soo kordhiso ciidanka booliska?

J:Waxaan jeclahay in aan ugu horayn ardayda waxbaratey ee dalka kolba sidii macquul ah u qaadano oo la arko saraakiil dhalinyaro ah oo qarankooda difaacaysa, waxaanan jecelnahay in aanu xilka ku wareejino dhalinyarada wadanka ee wax soo baratey oo ay  na nasiyaan taas weeyi ta aanu rabno in ay dhacdo.

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

Xigasho: Haatuf

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *