Muqdisho(ANN) Wefti balaadhan oo uu hogaaminyo ku xigeenka xoghayaha qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda B. Lynn Pascoe, ayaa shalay si qarsoodi ah ku galay magaalada muqdisho ee dagaalada ba’ani ku dhex marayaan dawlada ku meel-gaadhka ah iyo kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul islaam.

sidoo kale wax wefdiga  ka mid ahaa u qaybsanaha arimaha Soomaliya ee Qaramada Midoobay Mr Augustine P. Mahiga , waxayna  kulan Madaxtooyada kula yeesheen Madaxwaynaha Somaliya Sheekh Shariif sheikh Axmed iyadda oo la sheegay in ujeedada weftigu ahayd inay taageero u muujiyaan dawlada taagta daran ee dalka Soomaliya, taas oo hadda halis ugu jirta inay baa’bado.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay kooxdu ugu baaqday inay labada dhinac wada hadlaan oo la joojiyo dagaalka iyo gacan ka hadalka. Balse qoraal kooban oo  saxaafada loogu talo galay, kulankaa ka dib laga soo saaray  madaxtooyada  Villa Somalia ayaa lagu sheegay in mas’uulka hogaaminayay wafdiga uu warbixin ku saabsan xaalada Somalia ka dhegeystay  Madaxweyne Sh. Shariif, isla markaana u  balanqaaday in UN-ka uu garab istaagi doono dowlada awooda daran.

“Madaxweyne Shariif wuxuu ka warbixiyay xaalada dalka uu ku sugan yahay, wuxuuna ka codsaday wafdiga inay gacan siiyaan hay’adaha xukuumada si ay awood ugu yeeshaan inay amaanka soo celiyaan” ayaa lagu yidhi qoraalka  kasoo baxay xafiiska Shariif.

Wafdiga ayaa saxaafada laga qariyay markii ay tagayeen Muqdisho iyo markii ay ka dhoofayeen, waxaana socdaalkoodu  kusoo beegmay xili ay mudo toban maalmood  ka badan ay dagaalo ka socdeen Magaalada muqdisho.

“UN-ku diyaar ayuu u yahay inuu is-garabtaago DKMG, waxaana dhawaan dhacaya  shir lagaga hadlayo arrimaha Somalia, kaas oo lagu cayimi doono taageerada DKMG la siinayo” ayuu yidhi B. Lynn Pascoe sida lagu sheegay warka Villa Somalia kasoo baxay.

Ciidamada AMISOM ayaa maanta madaafiic ku garaacay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo meelaha bartilmaameedsaday madaafiicda uu ku jiro suuqa ugu weyn Muqdisho ee Bakaaraha, iyadoo duqayntu kusoo beegantay xili ay dadku ku jiraan maamlihii ugu danbeeyay bisha barakaysan ee ramadaan oo dhaqdhaqaaqa suuqu kor u kaco, maadaama ay dadku u diyaargaroobayaan ciida maamlaha yari ka hadheen
 
Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo tiro ka badan 50-madfac lagu duqeeyay ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac fara badan, waxaana la sheegayaa in dhimashadu kor u dhaafayso 13 ruux, dhaawucuna intaa ka badan yahay, iyadoo si rasmi ah aan loo xaqiijin Karin khasaaraha oo marba marka ka dambeysa isa soo taraya.
 
Duqaynta suuqa ugu weyn xagga ganacsiga ee magaalada Muqdisho Bakaaraha ayay wararku sheegayaan in markii ay  bilaabantay ay dadku ka  carareen  goobaha ganacsiga, kuwaas oo gaboodsaday  dhismayaasha shubka ka sameysan, isla markaana boqolaal qof oo doonayay inay wax kasoo iibsadaan suuqaa ayaa ka yaacay markii ay bilaabantay madaafiicda lala beegsaday suuqaa.
Lama garanayo  sababta keentay duqeynta maadaama aanu  wax dagaal ahi maanta dhicin, iyadoo xaaladda magaalada Muqdishana ay deganayd  marka loo eego 10-kii maalmood  ee la soo dhaafay ee dagaallada iyo duqeyta  culusi ka jirtay, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay madaafiicda maantu jawaab u ahaayeen hoobiyayaal lagu garaacay xarunta dhismaha madaxtooyada, kuwaas oo aan la sheegin khasaaraha ay geysteen.  .
 
Dhinaca  kale habeenkii xalay ayay  ciidamada AMISOM duqeymo culus ka geysteen xaafado ka mid ah Waqooyiga magaalada Muqdisho

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Uganda Gen. Katumba Wamala oo ayaa maanta sheegay in ciidamada dalka Uganda ka jooga magaalada Muqdisho ku kordhiyeen askar dheeraad ah oo tiradoodu tahay 750.

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Uganda oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kampalla isaga oo wakhtigaa uu soo dhawaynayay afar mayd oo ciidamada dalkaa todobadkii hore lagaga dilay dalka Soomiya ayaa, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dalka Burundi oo qayb ka ah ciidamada Amison uu isaguna dhawaan dalka Somaliya u diri doono 1600 oo askari oo dheeraad ah.

Gen. Katumba Wamala oo ugu horeyn ka hadlaya ciidamadooda waxa uu yidhi “Haatan ciidanka nooga sugan Muqdisho waa 3,745 askari, waxaana rajeynaynaa in dhawaan ay tirada guud ee AMISOM noqon doonto 8,000 askari oo ahayd tiradii hore loo balanqaaday” “Waan sii wadaynaa howlgalka aan ka wado dalka Geeska Afrika ee ay dagaaladu burburiyeen, dilka askartayaduna niyada nagama jabinayo, waxaana Somalia ku sugnaan doonaan inta aan nabada kasoo celinayno” ayuu yidhi Gen. Wamala.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *