Hargeysa(ANN)Hay’adda wadaniga ah ee HAVOYOCO oo ah hay’ad inta badan ka shaqaysa arimaha la xidhiidha daryeelka bulshada Somaliland ayaa wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo xafiiska Gobolka Maroodi Jeex ugu deeqay qalab nadaafadeed oo tiro kooban ah, taas oo ka danbaysay ka dib markii

uu dhowaan Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Xoog ku dhawaaqay inay samaynayaan maalin qaran oo la qaado Olole nadaafadeed dalka oo dhan ah.
 
Qalabkan hay’adda Havoyoco ku wareejisay Wasaarada Caafimaadka ayaa waxa uu ka kooban yahay 20 Majarafadood, 20 Farolayda qashinka lagaga shaqeeyo iyo 10 kaariyoonayaal ah, kuwaas oo hay’addu ugu tallo-gashay in Wasaarada Caafimaadku isticmaasho marka ay qaadayso ololaha nadaafadeed ee lagu nadiifinayo Magaalooyinka dalka.
 
Agaasimaha fulinta Hay’adda Wadaniga ah ee Havoyoco Mr Ismaaciil Maxamed Axmed, oo markii uu Wasaaradda qalabka ku wareejiyay ereyo kooban Warbaahinta u jeediyay  ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in hay’adda Havoyoco wasaaradda caafimaadka ku wareejiso qalab nadaafadeed oo muhiim ah wakhtigan oo wasaaraddu u diyaar garoobayso inay qaado olole nadaafadeed oo laga fulinayo guud ahaan caasimada dalka ee Hargeysa “Waxa farxad wayn ii ah inaan Wasaarada caafimaadka ku wareejiyo, gaar ahaan madaxa faya-dhowrka Wasaarada Dr Cali Sheekh qalab aanu ugu tallo-galnay in Wasaaraddu kaga qayb-qaadato ololaha nadiifinta ee ay Magaalada ugu tallo-gashay Magaalada.” Ayuu yidhi Mr. Ismaaciil Maxamed Axmed wuxuu  intaa raaciyay “Runtii qalabkani waa qalab kooban.  laakiin hadda waa wixii itaalkayaga ahaa, Wasaaradana maadaama oo aanu wada shaqayn leenahay waxbay u noqon doontaa oo dhibaatadii faraha badnayd ee xagga qalabka ka hastay ayay wax ka tari doontaa.” 
Agaasimaha fulinta Havoyoco waxa kale oo uu sheegay inay haboon-tahay in hay’addaha iyo ganacsatada dalku ka qayb-qaataan ololaha nadaafadeed ee wasaaradda caafimaadku rabto inay ka fuliso Hargeysa “Waxa kale oo oo muhiim ah in bulshada, gaar ahaan ganacsatada iyo hay’aduhu inay hawshan nadiifinta ka qayb-qaataan.”  Ayuu yidhi,  isagoo balan qaaday inay halkaa ka sii wadi doonaan taageerada ay Wasaaradda caafimaadka la garab taagan yihiin, maadaama oo xidhiidh wada shaqayneed  ka dhexeeyo.
Madaxa fayo-dhowrka Wasaarada Caafimaadka Dr. Cali Sheekh oo ka mid ahaa dadkii  halkaa ka hadlay ayaa hay’adda Havoyoco uga mahad-naqay deeqdaa,  isagoo xusay inay tahay hay’addii labaad ee qalab noocan oo kale ah u keenta wasaaradda caafimaadka.
 
Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Mr. Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) ayaa isaguna dhiniciisa agaasimaha fulinta ka guddoomay qalab nadaafadeed oo tiro kooban ah, kaas oo isugu jira 15 Majarafadood, 10 kaariyoone iyo 20 Faralay ah.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *