Hargeysa(ANN)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Kabaal), ayaa maanta markii u horaysay shaaca ka qaaday inay maxkamad ciidan soo taagayaan 34 Askari oo boolis ah oo si amar diido ah uga soo baxay  fadhiisinkoodii magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ay soo

galeen magaalada Hargeysa.
Taliyaha Ciidanka Booliska oo maanta u waramayay Saxaafadda wuxuu sheegay in 34 askari oo ka tirsanaa ciidanka Birmadka ee Booliska ay Baabuur ka soo raaceen magaalada Laascaanood iyagoo si amar diido ah uga soo baxay saldhigyadii loo bedelay.
Gen. Cilmi Rooble Furre wuxuu sheegay askartaa dhammaantood gacanta lagu hayo oo ay xidhan yihiin,  isla markaana si deg deg ah loo maxkamadayn doono.
34-kan askari waxay ka soo jeedeen deegaanka Hargeysa, waxaanay ka biyo diideen magaalada Laascaanood oo loo bedelay dhawaan.
Taliyihii hore ee qeybta Booliska Gabilay Maxamed Nuur Faarax, ayaa dhawaan diiday isku shandheyn taliska Boolisku sameeyay waxaanu gaashaanka ku dhuftay inuu tago qeybta Sool oo loo bedelay iyadoo Taliyihii qeybta Booliska Soolna la keenay Gabilay. ka dibna waxa loo magacaabay taliye cusub.
waa markii u horaysay ee ay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka bilasku sidan oo kale tiro intaa leegi u sameeyeen amar diido. 
By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *