Hargeysa(ANN) shaqaalaha Wasaaradda Duulista iyo Hawada, ayaa maanta si rasmi ah ugu fadhiistay imtixaanka qiimaynta ahee ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ka qaado hay’adaha iyo wasaaradaha xukuumadda. Imtixaankan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Shaqaalahu, ayaa lagu qabtay

hoolka shaqaalaha. Waxaana ka qaybgalay 66 ka mid ah shaqaalaha wasaaradda.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Md. Muxumed Aw Cabdi oo ugu horreyn halkaa ka hadlay, ayaa shaqaalaha imtixaanka u fadhiisanaayey u sheegay inay shacuurtooda dejiyaan, isagoo ku tilmaamay imitaaxnka laga qaadayo inuu yahay mid fudud, isla markaana ka ku wargeliyey inay haystaan muddo laba saacadood ah. Waxa uu u intaa ku daray guddoomiyuhu in shaqaalaha in ujeedda ay imtixaanka u qaadayaan ay tahay sidii ay u soo celin lahaayeen mustawaha shaqaalaha qaranka, isla markaana ay u heli lahaayeen waxa ay xaqa u leeyihiia.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay shaqaaluhu heli jirin wax dalacaad ah, sidoo kalena aanay hore u lahayn wax buug ah oo laga tix raaco, haddii ay buukaan iyo dhibaato kaleba la soo darisaan.
Md. Muxumed Aw Cabdi, waxa uu sheegay inay Wasaaradda Maaliyadda oo ugu horreysay ay culays weyn kala kulmeen shaqaalihii imtixaanka waayey, balse markii waxbarasho iyo mushaharkoodii la isugu daray ay fahmeen dedaalka loogu jiro.
Gudoomiyuhu isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ujeeddada imtixaankani waa inaannu soo celino mustawihii shaqaalaha qaranka Somaliland oo runtii siyaabo badan u dayacnaa, oo haddii maanta mid ka mid ahi geeriyoodo aan lahayn wax faylin ah oo haddii uu bukaan galo aan lahayn meel loogu hagaago oo aan dalacayn, yoomkay meesha ka qaataan mooyaane. Markaa markaannu siyaabo badan wax u eegnay, annagoo qaranka uga masuul ah shaqaalaha waxay noo noqotay in shaqaalihii iyo derajadoodii kor loo soo qaado, waxa dhacay inta badan in wax barasho deeq bilaash ah dibadda loogu diro. Marrkaa cadaab idiinma wadnee, waxaannu idiin wadnaa qiimayn.”
”Wasaaraddii Maaliyadda oo ahayd tii ugu horreynsay ee ugu culayska badnayn, markay maanta intii imtixaanka wayday mushaharkoodii qaateen waxna baranayaan, waa dadka dadka noogu jecel maanta, markii u horreysay, laakiin baaskooladay noo soo qaadan jireen, markaa isha Alla waxbarsha taalla, imtixaankuna ma adka. Waqtigana waxa naga qaaday dhawr iyo toban imtixaan oo kala gaar gaar ah ayaannu diyaarinay, oo qof walba wixii uu wasaaradda u hayo ku saabsan,” ayuu yidhi Muxumed Aw Cabdi.
Wasiirka Duulsta iyo Hawada Maxamuud Xaashi  Cabdi oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada imtixaankani yahay mid lagu qiimaynaayo shaqaalaha, balse aannu ahayn mid lagu dhimaayo shaqaalaha, waxa uu wasiirku iftiimiyey in shaqaalaha aan ahayn rasmiga ee aan wasaaradda ka diwaangashanayn ee imtixaanka waaya aannu wax qiil ah u ahayn.

Maxamuud Xaashi, waxa kale uu u caddeeyey inay jiraan shaqaale oo uu ka reebay inay galaan imtixaanka, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay maamul ahaan khibrad iyo aqoonba ay igu qiimeyeen una soo gudbiyeen Hay’adda Shaqaalaha oo dib-u-eegi doonta, sidoo kalena aanay ka maarmayn hawasha ay qaranka u hayaan, wasiirka oo ka hadlayay arrintaasi wuxuu yidhi “Maanta sharaf bay noo tahay madaxda Wasaaradda Duulista iyo qarankaba haddaannu nahay, annigo masuuliyiinta wasaaradda iyo qaranka oo dhan magacooda ku hadlaaya inaannu dabaqno siyaasaddii ahayn in tayeynta shaqaalaha. Isbeddeladii ay xukuumaddani ku faanaysay waxa ka mid ahaa in la tayeyo shaqaalaha, taas oo xikmadeedu tahay in aqoon dibadeed iyo gudaba loo helo, sidoo kalena waxay xuquuq u leeyihiin ay helaan. Waxa jirta in shaqaalaha inta lagu dhex jiro oo la leeyahay wasiirku dad badan buu imtixaanka oo uu gaar ula hadhay, wax imtixaanka gaar looga reebay ma jiraan, marka laga reebo maamulada masuuliyiinta madaaradda. Arrintaas masuuliyadda ka reebista anigoo wasiirka ah iyo masuuliyiinta wasaaradda isla garanay, dadkaasi waa dad qiimaysan, Hay’adda Shaqaalahana waannu soo gudbinay, iyaguna way eegayaan. Sagaal iyo toban sanno ayeynu qaran ahayn ilaa hadda xuquuq hawlgab maynaan samaysan, qaranbaynu nahee in marwalba wax soo kordhaan waa lagama maarmaan. Maaha xikmada imtixaanku sida dadka qaar u fahmeen in shaqaalaha la kala hufaayo, laakiin waa toosin, shaqaalahana wuxuu isugu jiraa laba, shaqaale Hay’adda Shaqaalaha, wasaaradda iyo xukuumaddaba ka diwaangashan oo muddo dheer soo shaqaynaayey iyo shaqaale ku-meelgaadh ah oo aan Hay’adda Shaqaalaha iyo xukuumaddaba ka diwaangashanayn, balse Wasaaradda Duulista oo kaliya ka diwaangashan, kuwaas oo xilal xasaasi ah oo aan laga maarmayn u haya wasaaradda.
Shaqaalahaasi isku imtixaan bay galayaan oo qofka ku-meelgaadhka ahi haddii uu gudbo, waxa uu noqonayaa shaqaale rasmi ah, haddiise kale wuxuu waayayaa xuquuqdiisi shaqaalanimo, anigoo rajayna inaad imtixaanka wada baastaan, shaqaalaha rasmiga ah, haddii ay imtixaanka waayaan, lacagtiina way qaadanayaan, maxadka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. Anniga sharaf bay ii tahay inaad imtixaanka wada baastaan, sharaf bay noo tahay inaad muujisaan xilalkii aad haysaan wixii aad ku shaqaynayseen aad garan kartaan. Hadal iyo hiilbaba waa la kala caddeeyaye annigu shaqaalaha rasmiga ahayn ee Imtixaanka dhaca xal uma hayo.” Ayuu yidhi, Wasiirka Duulista Hawada.

By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *