Hargeysa(ANN)“Dhibaato baddan iyo gacandhaaf ayaa lagu hayaa Ugaadha, cida ku haysaana waa dadka Somaliland, Ugaadha dalka ku nool qaar waa kuwa Hilibka cuna, sida Libaaxa, Shabeelka, waraabaha,  Harimcadka  iyo kuwo kale,   xayawaan kale oo  faraha baddan oo illaahay dalkan

 

ku beeray ayaa jira. Sida  Deerada,  Cawsha, Dabataagta Iwm, waana hanti qaranku leeyahay,  mana aha inay masuuliyiinta qaranku u qaataan inay awood u leeyihiin bixintooda. “ sidaa waxa yidhi Agaasimaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,  Dhirta Deegaanka iyo Miyiga  Maxamuud Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh)  oo shalay waraysi gaar ah siiyay  Shebekada wararka ee Araweelonews iyo telefishanka Somaliland Space Chanel .
“wayna jirtaa in dhibaato baddan iyo gacan dhaaf lagu hayo  Ugaadha , tusaale ahaan waxa jiray harimcado lagu soo guray shandado. Laakiin nasiib wanaag waa la  qabtay, waxay ahaayeen shan  harimcad waxa la keenay halkan labadii yar yaraa way baqtiyeen, kuwii kalena Zuumka ayay ku jiraan. Nimanka Carabta ah ee waxan sitay waxa siiyay dadkeena , wayna baxsadeen markii la qabtay kuwii siiyay.”
“Tobaneeyo ugaadh ah  oo laga dhoofiyay Madaarka, waxa soo gudbiyay isu-duwaha gobolka Saaxil  ana waan sii gudbiyay oo wasiirka ayaan u gudbiyay, wasiirkuna arrintaa wuu u gudbiyay Madaxweynaha, markaa kolay arrintaansi way dhacday waana la baadhayaa. Laakiin waxaan dadweynaha Somaliland  iyo madaxda qarankaba u sheegayaa awooda cida hadyad u bixin karta hantida qaranka waa Madaxweynaha oo keliya  sida uu dhigayo sharciga 094, walaa wasiir walaa Badhasaab ma bixin karaan.”   Agaasimaha oo la weydiiyay cida bixisay ugaadhaa iyadoo aanay wasaarad ahaan waxba kala socon, waxa uu sheegay in Badhasaabka gobolka Saaxil Ramaax  bixiyay, taas oo uu sheegay inaanay aqbalayn inay wixii ay qaranka masuulka uga ahaayeen ay bixiyaan Badhasaab iyo Maayar toona, isla markaana aanay aqbalayn masuuliyiinta sidaa u dhaqmaya.”
Agaasimaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,  Dhirta Deegaanka iyo Miyiga  waxa uu sheegay inay magaalooyinka   Burco iyo Hargeysa  dhowaan  ka samaynayaan  laba meelood oo Zoom lagu xanaaneeyo Ugaadha, sidoo kale ay ka samaynayaan gobolka Sanaag, gaar ahaan Buurta Daallo goobo dalxiis iyo Baarkino ah iyo sidoo kale goob weyn oo xayawaanka iyo duur joogta lagu xanaaneeyo.
Mr. Galaydh  waxa uu sheegay inay ciidanka ilaalada xeebuha, Bilayska iyo maamulka madaarkuba  si fiican ula shaqeeyaan, wuxuuna ku dheeraaday inay dadku ilaashadaan khayraadka dalkooda Ugaadha iyo xayawaanka kaleba, isla markaana loo baahan yahay inay dadku wax qabsadaan oo ay dedaal sameeyaan, wuxuuna isagoo ka hadlaya xaalufinta deegaanka sheegay in dhirta, Xoolaha  iyo dadku aanay kala maarmayn oo aanay noloshu jirayn haddii la waayo neefka iyo geedka. Sidaa darteed ay dadku ilaashadaan deegaanka la xaalufinayo.
Sidoo kale waxa uu xusay inay wadaan qorshayaal harooyin waaweyn oo ilaa labaatan haro ah laga hirgelinayo dalka gobolada oo dhan, kuwaas oo ay soo sahamiyeen wasaarad ahaan dhowaan, isla markaana la bilaabayo dhowaan hawshooda, isagoo xusay inay hawshaa dhinac socdaan seerayaal waaweyn oo iyagana laga hirgelinayo dalka oo dhan.
Wuxuuna digiin usoo jeediyay dadka tuulooyinka ka samaynaya meelaha aan ku haboonayn, kuwaas oo uu sheegay inay khaatiyaan ka dhigeen deegaanka, wuxuu soo bandhigay qoraal digreeto wasaaradu soo saartay oo lagu mamnuucayo arrintaa oo sida uu sheegay ay dabada ka wadaan hay’addo sida WFP oo aan waxyeelo mooyee dalkan iyo dadkan waxba u qaban, kuwaas oo dadka u sheega inay Raashin siiyaan. Laakiin aan waxba siin ee dadkii gobolada kusoo lugooyay magaalada caasimada ah ee Hargeysa.
Mr.  Galaydh waxa kaloo uu sheegay inay deegaanka dhibaato  iyo fidmo ku hayaan  dad ka yimaada qurabaha oo uu sheegay inay meesha ay laba waxarood ku arkaanba odhanayaan inay lacag yar bixiyaan Beer ayaan ka samaynayaa, wuxuuna sheegay in aanay dadk noocaa ah ee qurbaha ka yimaadaa fidno kusoo kordhin dadka iyo dalka.

Bileyska Somaliland ee magaalada Berbera ayaa gacanta ku dhigay todobaadkii hore Harimcado la doonayay in si tuugo ah  looga  tahriibiyo Madaarka Berbera, kuwaas oo la doonayay in  la saaro diyaarad tegaysay dhinaca magaalada Dubai ee dalka
By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *