Hargeysa(ANN)Xabsiga ugu weyn Somaliland ee Mandheera, ayaa markii u horaysay tan iyo intii ay Somaliland jirtay laga hirgeliyay Wershed  loogu tala galay in looga faa’ideeyo maxaabiista ku xidhan xabsigaa.Taliyaha Taiyaha Ciidanka Asluubta Somaliland
Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray warshada tababarka xabsiga Mandheera, ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelonews, inay Wershedu soo saaray sariiraha iyo qalabka xafiisyada. Sidoo kalena ay dhowaan keenayaan wershed Birta ah.
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo hadal ka jeediyay furitaankii Warshadaas ayaa tilmaamay
Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax waxa uu xusay in inay Ka qayb ka qaadanayso  wershedu dhaqan celinta maxaabiista ku xidhan xabsigan, isla markaana guud ahaan xabsiyada dalka ay ka hirgelin doonaan wershaddo  tababar lagu siiyo maxaabiista si loo ilaaliyo loogana faa’iideeyo muruqa maxaabiista,  taas oo uu sheegay inay wax ka tarayso sidii ay  usoo bixi lahaayeen maxaabiis jidh ahaan caafimaad qaba oo xirfad soo bartay,wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Wersheda aanu hada xabsiga Mandheera ka furay, waa tii Looxa, waxaana ay soo saaraysaa sariiraha iyo qalabka xafiisyada, wershed dhinaca alxanka iyo birta ahna waanu soo wadnaa, dhowaan ayaanu xabsiyada kale ka bilaabi doonaa hawlo baddan. Marka ay dhamaystaan maxaabiistu tababrka, waxa la siin doonaa mid kasta Tuulkii uu ku shaqaysan lahaa oo qiyaastii  laced $ 1000, ah, taasna hay’ad ayaa balan qaaday”.
Maxamed Xuseen Faarax Xiirane waxaa kale oo uu sheegay inay xabsiyada Hargaysa iyo mandheeraba ay ka hirgashay joojinta nooc kasta oo ka mid ah balwadaha taasina ay qayb ka qaadanayso sida uu xusay dejinta Maxbuuska, maanta waxay iga codsadeen maxaabiistu in loo fasaxo qaadkii laakiin, waxaan u sheegay in xabsiyada dalku ahaanayaan kuwo ka nabdoon wax kasta oo maandooriye iyo balwad ah, wayna ka raysteen maxaabiistu.”
Hase yeeshee Taliyuhu wuxuu ugu baaqay Maayarada Magaalooyinka waaweyn ee dalka ee xabsiyadu ka furan yihiin inay ka qayb qaataan hawlaha dib u dhis ee laga wado,  isla markaana uu maayar waliba u iibiyo hal gaadhi oo ah nooca loo yaqaan iska rogo, taas oo uu sheegay inay  wax weyn ka tarayso hawlaha xabsiyada dalka, sidoo kale wuxuu usoo jeediyay ganacsatada waaweyn iyo kuwa yar yarba inay ka qaybqaataan hagaajinta iyo dib u dhiska xabsiyada Somaliland.
Taliyaha  Ciidanka Asluubta Somaliland oo aanu weydiinay Wersheda cida ugu deeqday, waxa uu sheegay inay Hay’adda UNDP, bixisay waqtigii xukuumaddii hore, balse ay wax ka xumaadeen oo ay  hay’ad lagu magcaabo  Yuriido u hagaajisay , taas oo uu sheegay inay tahay ta maxaabiista doonaysa inay wax u qabato oo xabsiyada door mihiim ah ka qaadanaysa.
Xabsiga Mandheera oo ah xabsiyada ugu caansan Somaliland, waxa la dhisay xiligii musatacmaradii Britain, waana xabsiga ugu weyn Somaliland, iyadoo maxaabiis sagaal boqol  gaadhayaa ku jiraan waqtigan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *