Hargeysa(ANN)Laba Garyaqaan oo u doodayey Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo Xukuumadda muddo laba bilood ka badan ku haysay xabsiga Hargeysa, balse dhegaysiga dacwadiisa oo ka  socotay Maxkamadda gobolka Hargeysa, fadhigii labaad

ay ka dareereen Garyaqaanada difaacayay 3 May 2012.  Kadib  markii sida ay sheegeen farogelin xukuumaddu ku samaysay, ayaa ka jawaabay eedaymo uu u jeediyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo sheegay inay labadaa Garyaqaan jebiyeen shuruucdii Qareennnimo.
Garyaqaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland iyo Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, ayaa jawaab kulul ka bixiyay dhaleecayn  iyo hanjabaad uu Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan u mariyay waraysi uu siiyay wargeyska jamhuuriya iyo shebekada wararka ee Araweelonews, laakiin labada Qareen ee Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), ayaa iska difaacay eedahaa, iyagoo ku dooday in sababta ay dacwadaa uga baxeen ay ahayd markii ay arkeen in Xeer Ilaalintu fulinweyday go’aankii Maxkamaddu ku amartay, isla markaana ay muuqatay in fara-gelin lagu sameeyay Maxkamadda oo qaabka xeer Ilaaliyaha guud u dhaqmayay ee gudoomiyaha dacwada qaadayay ku dul fadhiistay ay ka mid ahayd culayska. Labada Qareen  waxay ku doodeen inaanay Xeer-ilaalintu sharci u lahayn inay tallaabo sharci ah ka qaaddo Waaxda Garsoorka.
Garyaqaannada oo shalay warbaahinta ugu warramay Huteelka Xaruf ee magaalada Hargeysa, waxa ugu horreyn halkaaka  hadlay Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi, isagoo  yidhi, “Aniga oo aan jeclayn  inaan ka hadlo dacwadda waajib ayey noqonaysaa inaan ka hadlo maanta haddii  Xeer-ilaaliyihii guud uu ka hadlay dacwaddaas. Waxa weeye laba denbi ayuu ku soo eedeeyay  Boqor Cismaan Buur-madaw, midna dalka gudihiisa ayaa lagu galay midna dalka dibeddiisa ayaa lagu galay, marka denbiga dalka gudihiisa lagu galo waa qodobka 212-aad. Ka Dalka dibeddiisa waxa gala muwaaddin joogay oo kaliya, midna waxa gala muwaaddin kasta oo dalka gudihiisa jooga. Waxaannu sheegnay in labadan qodob aan qof lagu wada eedeen karin oo waliba la leeyahay dibedda ayuu joogaa. Markaa, qodobbadan midi waxa uu ka sheekeynayaa qof inqilaab sameeyay. Midna waxa uu ka sheekaynayaa qof been sheegay oo hadalka iyo nuxurka qodobkuna isma-waafaqsana, ee Xeer-ilaaliyuhu waxay ahayd inuu is-waafajiyo oo Waxa ka muuqata inuu is-waafajin kari waayey.”
Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Siciid waxa uu ka hadlay eedaha uu u soo jeediyey Xeer-ilaaliyaha guud labadooda Qareen, waxaanu yidhi; “Xeer-ilaalintu waxay sheegtay aniga iyo Xildhibaan Maxamed Jaamac inay tallaabo ka qadayso, waxaan doonayaa inaan ifitiimiyo halkaa, waxaannu nahay labadii dhinac ee dacwaddu dhex-taallay, dhica Xeer-ilaalinta iyo dhinaca Qareennada difaacaya Boqor Buur-madaw oo Maxkamadduna ay tahay tii noo dhaxaysay ee gartan qadaysay. Waxa wacan in la fahmo haddii labada dhinac uu midi ka kale uu tallaabo ka qaadi karo dee sharci iyo cadaalad midna ma jirto oo nidaamka dalkeennu sidaas maaha ee waxaannu nahay laba u siman Maxkamadda horteeda oo dhinacna xaq u malaha inuu dhinaca kale tallaabo ka qaado.”
“Waxyaabaha uu Xeer-ilaaliyuhu sheegay waxa ka mida; ‘waxaan horgaynayaa Guddiga Cadaaladda’ Runtii aniga oo ixtiraamaya saxiibna aannu nahay Xeer-ilaaliyaha waxaan jeclaan lahaa inuu akhriyo qodobka 160-aad ee sheegaya Guddiga cadaaladdu waxay tahay. Annagu Garsoorayaal ma nihin ee Guddiga cadaaladdu Garsoorayaasha ayey tallaabo ka qaddaa. Waxa uu sheegay inay deg-deg uga fadhiisanayaan waa arrin ceeb ku ah isaga iyo sharciga-ba.” ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Siciid.
Waxaanu Garyaqaan Maxamed Siciid oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “May ahayn inuu yidhaahdo aniga ayaa culayska la isaaray oo Xukuumadduna I saartaa, waxa uu cebeenayaa Xukuumadda iyo nidaamka innoo yaalla oo ah saddex waxood oo kala madax-bannaan. Runtiina maan arag Wasiir ama Madaxweyne culays saraaya, balse Xeer-laaliyaha guud oo ka mida Guddiga Cadaaladda isaga oo  ah dhinaca oogaya dacwaddan ayuu dhex-fadhiyey, inuu soo dhex fadhiisto culas bay ku tahy Garsooraha.”
Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Jaamac oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi; “Haddii uu Xeer-ilaaliyuhu is-casilo waan ku hambalyeenayaa oo waa go’aan ragannimo leh, haddii uu xilkisii gudan kari waayay, waa geesinnimo inuu ka tago. Madxweynaha waxaannu u soo jeedinaynaa inuu cid kale u  magacaabo haddii uu gudan kari waayo shaqadisii Xeer-ilaaliyaha guud oo waxa uu sheegay in uu is casilayo.”
“Sababaha keenay inaannu ka baxno dacwaddan waxa weeye, haddii Ninkii aannu difaacaynay uu yidhaahdo difaaca joojiya waa qodob, Amarradii Maxkamaddu ay amartayna haddii uu u hoggaasami-waayo dhinaca kale (Xeer Ilaalinta), annagu ma dhirbaaxi karayno oo amarradii Maxkamaddu ay amartay ma la beddelay? Waa maya!. Waxaannu leenahay wax denbiya ma lihin oo ninkii aannu difacaynay ayaannu ku hishiinnay inaannu ka baxno u doodista dacwaddiisa.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Jaamac, ahna Mudane ka tirsan Xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *