Lawyacado(ANN) Dawlada Djibouti , ayaa qorshaynay inay biyaha ka qaadato Ceelal dhowaan laga sameeyay Deegaanka Bariisle ee Lawyacado oo ka tirsan Somaliland. sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay

 

dad kala duwan oo ku sugan deegaankaa.
Qorshaha dawladda Djibouti ku doonayso inay BIyaha deegaanka ceelasha Dooxa Bariisle oo duleedka Lawyacado ee xuduuda Somaliland la wadaagto dalka Djibouti ayaa soo baxay. Kadib markii ay halkaa ymaadeen doraad wefdi ka socda dalka Djibouti oo uu hogaaminayay Wasiirka Macdanta Biyaha iyo Tamarta Djibouti  Dr. Fuad Ahmed Aye, kaas oo ay weheliyaan wakiilka Somaliland u jooga  Djibouti iyo laba qof oo ajaanib ah, waxayna wararka arrinta socdaalka wefdigaa la xidhiidhaa u shegeen shebekada Araweelonews.com in wasiirka ka socday Djibouti u sheegay masuuliyiinta Lawyacado ee Somaliland inay doonayaan sidii biyaha ceelasha Bariisle loo gaadhsiin lahaa Degamada Dameer Joog ee Djibouti., isagoo xusay inay Biyaha ceelashaDooxa  Bariisle yihiin kuwo Djibouti oo dhan ku filaan kara, basle qorshaha ay hada wadaan yahay in Degmada Dameer Joog  la gaadhsiiyo waqtigan.
Hase yeeshee hadalka wasiirka ka socday Djibouti  ayaa u sheegay Maamulka Lawyacado. Kadib markii uu soo kormeeray deegaanka Dooxa Bariisle oo ay Ceelashaasi ku yaaliin, kama uu hadlin masuulka la socday ee wakiilka Somaliland, balse Odayaasha deegaanka qaar ka mid ayaa sheegay inay biyo la’aan ka jirto Saylac. Sidaa awgeed loo baahanyahay inay Biyaha ceelashani noqdaan kuwo ay marka hore ka haqab beelaan dadka Somaliland ee deegaanku markaa kadib laga wada hadli karo in dalka Djibouti  loo gudbiyo iyo in kale.
Socdaalka wefdiga Djibouti ayaa kusoo beegmay iyadoo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur ku suganyahay dalka Djibouti. Kadib markii xidhiidhka dublamaasiyadeed ee labada dal murug ku yimi, iyadoo ay sabab u ahayd khilaaf ka dhashay wefdi yo kala duwan oo dhinaca Djibouti ka yimi oo laga celiyay xadka labada dal maalmo ka hor, kuwaas oo dioonayay inay soo galaan Somaliland.
Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaan ka hadlin qorshaha dawladda Djibouti ku doonayso inay Biyaha ka qaadato Dooxa  Bariisle ee dhowaan laga sameeyay Ceelashaa, balse ay weli biyo la’aantu ka jirto deegaanka ku hareeraysan sida magaalada taariikhiga ah ee Saylac  oo aan haysan Biyo.
Dawlada Djibouti, ayaa Ceelal bIyood ka hirgelisay deegaamo ka tirsan Somaliland oo kala ah Ceel-Gaal iyo Karuure sanadkii  2011.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *