xaruntaHargeysa(ANN)Boqolaal ka mid ah Ardayada Dugsiga Hoose Dhexe ee Axmed Dhagax oo ku yaal xaafada Koonfur Galbeed ee Hargeysa ayaa maanta isugu soo baxay cabasho la xidhiidha dhinaca waxbrashada, waxayna ku urureen barxada hore ee dhismaha wasaaradda

waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland.
Ardayada ayaa sheegay inay ka cabanayaan duruufo soo waajahay oo la xidhiidha dhinaca waxbarashadda  iyo macalimiin la’aan soo food sartay. sidoo kale waxay cabshadooda ku dareen in maamulka dugsiga ay dhigtaan aanu waxba ka qaban cabashadooda. .

Gudoomiyaha Wasaradda waxbarashadda ee Gobolka Maroodijeex, ayaa  Ardayda la hadlay, isagoo wasaaradda uga dhaqaajiyay dhismaha xafiiska waxbarashada oo aan ka fogayn, wuxuuna balanqaaday inay wax ka qabanayaan cabashadooda oo ay xil iska saarayaan, balse looga baahanyahay Ardayda inay is dejiyaan oo aanay wax rabshado ah samayn.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland C/llaahi Fadal Iiman, ayaa dhiniciisa la hadlay Ardaydaa, iyadoo Boolisku markiiba goobta yimaadeen. kadib markii ay maqleen isu soo baxa Ardayda, wuxuuna Taliye Fadal ugu baaqay Ardayda inay is dejiyaan oo ay wixii tabasho ah u gudbiyaan Maamulkooda, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay in ay ogaadaan in cadawga Somaliland iyo dad ujeedooyin kale lihi kusoo dhex dhuuman karaan cabshadooda.
Ardayda ayaa si nabadgelyo ah ugu noqday Dugsigoodii,kadib markii ay sidaa ku wargeliyeen Taliyaha Booliska Somaliland iyo Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Maroodi-jeex.
.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *