Taliyaha Booliska Somaliland Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Dhigeen Dad Lala Xidhiidhiyay Dilalkii Todobaad Gudihii Hargeysa Laba Haween Ah Lagu FuliyayHargeysa(Araweelo News Network)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland General Cabdullaahi Fadal Iiman ayaa Sheegay in ay Gacanta ku dhigeen xalay  laba Nin oo lagu eedeeyay inay fuliyeen dilka Gabdha lagu dilay Xaafadda Jig-jigayar ee Woqooyiga Hargeysa. Sidoo kalena la qabtay

 

Haweenay lagu eedeeyay dilka Hooyo laba Caruur ah lahayd oo ka dhacay Xaafadda Star ee Koonfurta Hargeysa.

Labadaa di lee lagu fuliyay labada haweenka ah oo todobaadkii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan Xaafadaha Jig-jiuga dhacay Xaafada Star ee Koonfurta iyo Woqooyiga Magaalada Hargeysa.

Gen. Fadal Wax kale oo uu sheegay in hawlgalo ay Ciidanka Boolisku qaadeen ku soo qabqabteen 48 dhalinayro ah oo lagu eedeyey in ay habeenkii Magaalada Hargeysa dhibaatooyin ka geeystan, kuwaas oo sida uu sheegay si deg deg ah Maxkmadda Hargeysi ugu Xukuntay midkiiba  2 Billood xadhig ah.

 

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu jawaab ka bixiyay  eedaha bulshada eek u waajahan in aanay Boolisku ka hawlgelin sidii loo joojin lahaa tahriibta, balse waxa uu sheegay  in ay  Gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah Shabakadihii dadka Tahriibin jiray, kuwaas sida  xusay in 11 Qof ay Hawlgalo ku soo qabteen waqtigan Maxkamadi  kaga socoto Magaalada Gabiley, Wax kale oo uu xusay  in Ciidanka Bolisku ay Reerahoodu u soo celiyeen Caruur badan oo gadhaysa ilaa 160 qof, kuwaas oo sida uu sheegay doonayey in ay tahriiban.

 

Taliyuhu Wuxu yidhi”Gabadhii Mindida lagu dilay ee xafada Jig-jigayar waxanu Xallay u soo qabaney 2nin oo ku eedeysan Falkaasi ciidanku waxay soo qabteen Xallay, Halka Gabadh lagu dilay Star iyada wax loo soo qabtay haweynay lagu eedeyey dilkaasi.”Ayuu yidhi Gen. Fadal oo u warmayay maanta Idaacada BBC-da laanteeda Af-soomaliga

E- mail jaamac132@gmail.com

info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *