Madaxweyne Siilaanyo Oo Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabilay Kooxaha Hantiyay Koobabka Tartankii Ciyaaraha SomalilandHargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay  xulalka goboladda Maroodi-jeex iyo Gabiley oo ku kala guulaystay koobabkii kubaddaha Cagta iyo

 

Kollayga ee tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland oo shalay lagu soo gunaanaday garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.

 

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirradda Ciyaaraha, Warfaafinta, Madaxtooyadda, Badhasaabadda Goboladda Maroodi-jeex iyo Gabiley iyo xulalkii kubadaha cagta iyo kollayga ee maroodi jeex iyo Gabiley.

koobka 2

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadal kooban ka jeediyay munaasibada xaflada uu ku qaabilay labada kooxood ayaa ku bogaadiyay dedaalkii ay ku mutaysteen inay noqdaan horyaalka kubadaha cagta iyo kollayga Somaliland.

koobka3

“Waxa Farxad weyn maanta ii ah inaan halkan Madaxtooyadda kula kulmo dhalinyaradii ciyaarihii goboladda ka qeyb galay ee ku guulaysatay. Xulka Maroodijeex oo ku guulaystay koobkii kubadda cagta iyo xulka Gabiley oo ku guulaystay koobkii kubadda kollayga ee tartanka goboladda,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tilmaamay in ciyaaruhu ay qaranka ugu fadhiyaan magac iyo maamuus, waxaanu yidhi “Ciyaaraha Markaynu ciyaarayno waxay qaranka u leeyihiin magac iyo maamuus. Dunidda oo dhan ayaa laga daawadaa oo laga dhegaystaa.bulshadeena isku xidhkeeda, is dhex galkeeda iyo waddaniyada qeyb ka mid ah weeye.”

 

koobka 4“Ciyaaraha looguma tallo-gelin inay noqoto inay noqoto meel lagu coloobo iyo meel la iskaga hor yimaado inay noqoto. Waxa loogu tallo galay inay noqoto meel dhalinyaradu isku barato oo isku dhex gasho oo ay noqdaan meel ay ku farxaan oo ku ciyaaraan,”ayuu intaas raaciyay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Madaxweynuhu waxa uu tallooyin u soo jeediyay ciyaartoyga dalka, isagoo yidhi “Waxaan doonaynaa ciyaartoy ka qeyb gasha ciyaaraha adduunka oo magac iyo maamuusba ku yeesha inaanu soo saarno ayaanu doonaynaa. Ugumaynaan tallo gelin dhalinyaro magaalo ka timi inay iyagu is qabsadaan oo is dilaan, macnaha ciyaaruhu kaas ma aha.”

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu dhalinyarada Somaliland ku booriyay inay u soo jeedsadaan Ciyaaraha, dhismaha jidhkooda iyo dhismaha maskaxdooda oo ay iska daayaan inay dalkooda ka baxaan. Dhinaca kale  Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan 13-kii xul ee ka qeyb galay tartankii ciyaaraha goboladda ee guushiisa ay hantiyeen xulka Gobolka Maroodi-jeex.

 

Munaasibada kulanka waxa kale oo hadal kooban ka jeediyay Wasiirka Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal oo ka waramay marxaladihii taranka ciyaaraha goboladu soo mareen iyo qorsheyaashooda la xidhiidha horumarinta Ciyaaraha.

Geba-gebadii kulankaa Madaxweynaha Somaliland ayaa labada  xul gudoon siiyay koobabkii iyo abaal-marinadii ay ku guulaysteen.

E-mail  jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *