Laascaanood(ANN)Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland C/llaahi Fadal Iimaan oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan booliska ayaa kormeer shaqo ku tegey shalay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, wuxuuna ujeedada socdaalkiisa ku sheegay inuu la xidhiidho  sidii

 

uu ugu kuur gali lahaa xaalada amaanka gobolkaasi iyo hanaanka ay u socodaan hawlaha booliska Laascaanood ee dhinaca  amaanka iyo sidii uu wax uga ogaan lahaa duruufaha ku xeeran booliska ee dhinaca nolosha, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in ujeedada socdaalkiisu la xidhiidho arrimo kale oo ka dhashay koox lala xidhiidhiyay Al-shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay lagu qabtay Laascaanood.
Col. C/llaahi Fadal  oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Sool ,Duqa Magaalada Laascaanood ,Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolkaas iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Booliska,waxay booqdeen  Jeelka Weyn ee Magaaladaa oo ay hawl gal dib u dhis ahi ka socdo,iyo saldhigyada Booliska ee Degmada Laascaanood.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland C/llaahi Fadal Iimaan waxaa kale oo uu kulan la yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Duqa Magaalada Laascaanood,  isagoo ka dhagaystay warbiximaha dhinaca amniga ee Magaalada
Socdaalka dhinaca Laascaanood ee Taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland, ayaa  safarkiisu  yahay kii ugu horeeyay ee uu ku taggo Laascaanood tan iyo markii xilkan loo magacaabay, wuxuuna isagoo  sharaxaya ujeedada safarkiisa yidhi,  “Waxaan u imi  Laascaanood inaan xog-ogaal u noqdo oo aan indha-indheeyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan Booliska gobolka Sool, siiba Laascaanood, isla markaana  Waanu tayeynaynaa ciidamada booliska guud ahaanba, gaar ahaana ciidamada gobolka Sool.  Safarkani waa sidii aan u ogaan lahaa baahiya booliska iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee hawlahoodu la xidhiidhaaan” ayuu yidhi Fadal.
Magaaladda Laascaanood oo dhawrkii sanandoo ee u danbeeyay lagu dilay in kabadan labaatan sarkaal oo haya’ddaha dawladda ee ka hawlagala halkaa, isla markaana lagu fuliyay qaraxyo iyo shirqoolo dilal ah oo aan ilaa hada raadadkooda si cad loo soo badnhin ayaa maalmihii u dambeeyay amaankeedu soo xumaanayey waxaana isla todobaadkan ka dhacay Qarax lala beegsaday guriga taliye ku xigeenka ciidamada Sirdoonka, kaas  oo la doonayay in lagu khaarajiyo sarkaalkaa ooh ore qarax ugu dhaawacmay 2011, balse waxa ku dhintay sarkaal ciidamada Asluubta ka mid ahaa oo uu abti u yahay.
Sidoo kalena  waxa shirqooladii ugu danbeeyay ee lagu dilay saraakiisha dawladda Somaliland ee Sool ka mid ahaa ku xigeenkii xeer ilaaliyaha gobolka Sool, iyadda todobaadyadii lasoo dhaafay lagu qabtay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood  koox lala xidhiidhiyay xarakada  Al-shabaab,  kuwaasi oo uu ka mid yahay nin u dhashay dalka Portugal, waxaana la filayaa in ujeedada uu taliyaha boolisku halkaasi u tagay la xidhiidho sidii Hargeysa loogu soo wareejin lahaa dadka lala xidhiidhiyay kooxda  Al-shabaab ee lagu hayo Laascaanood, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan in la doonayo in si hoose loo sii daayo, iyadoo qaab madaxfurasho lacag loogu kala qaadanayo, taas oo sabab u ah socdaalka Taliyaha. Kadib markii ay saraakiisha iyo maamulka gobolku ka dhega adaygeen inay dadkaa lala xidhiidhiyay Al-shabaab usoo gudbiyaan Hargeysa si baadhitaan dhab ah loogu sameeyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *