Muqdisho(ANN) Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia iyo Somaliland Augustine Mahinga, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay dhaliil ay Odayaasha dhaqanka ee ku shirshan Muqdisho u jeediyeen  Dastuurka Qabyada ah ee loo samaynayo Somalia, wuxuuna ku dooday in aanay

xaq u lahayn inay iyagu ka hadlaaan dastuurka, balse ay leeyihiin oo keliya rayi .
Guddoomiyaha Odoyaasha Dhaqnka Muqdisho Maxamed  Xasan Xaad ayaa sheegay in ay doonayaan in marka hore wax laga baddalo qodobo ka mid ah qabyo-qoraalka Dastuurka inta aanay  gudbin ergada ansixinta Dastuurka.
Qaar ka tirsan Odoyaasha Dhaqanka, ayaa sheegay in aanay  wali gudbin liiska ergada ansixin doonta dastuurka sababo ay ugu wacan tahay is-faham waa ka dhexjira iyaga iyo guddiga farsamada. Hase yeeshee Wasiirka Dastuurka, C/raxmaan Xoosh ayaa sheegay in 40%  loo soo gudbiyay liiska ergada anisixnta Dastuurka.
Dhinaca kale ma jirto ilaa iyo xilligaan ballanqaaad cad oo ay labada dhinaca ku muujinayaan in 12-ka bishan uu si rasmi ah u bilowdo Shirweynaha lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee Soomaaliya. Sidoo kale dhawaaqyadan ayaa muujinaya inuu jiro khilaaf weyn oo u dhexeeya dhinacyada wada qorshaha Somalia loogu samaynayo Dastuurka cusub, isla markaana loogu meel marin lahaa ergada ansixinaysa dastuurka, kuwaas oo la doonayo inay soo dhisaan dawlad ka hor 20 August 2012, balse waxay u muuqataa inay adagtahay in xal laga gaadho arrimahaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *