Berbera(ANN)Markab Weyn oo lagu Magcaabo Liibaan, ayaa dab ku qabsaday goor dhowayd Dekedda Magaaladda Berbera oo uu xidhnaa. Sida uu shebekada

wararka ee Araweelonews u sheegay Maareeye Xigeenka Dekedda Omar Abokor, waxa lagu guulaystay in la baqtiiyo dabka ka kacay markabka saacado kadib.
Maareeye xigeenka, ayaa ku sheegay sababta dabka dhalisay mishiinka Markabka oo dab ka kacay, kaas oo qabsaday Caws saarnaa Markabka oo ku xidhnaa Dekeda laga raro xoolaha, iyadoo Markabkaa oo ah Markabka labaad ee ugu weyn gaadiidka yimaada dekeda loo qorsheeyay in caawa la saaro shixnad xoolo ah.
“waanu ku Guulaysanay oo Illaahay ayaa nagu asturay inaanu baqtiino dabkaa, ayuu yidhi Maaareeye  xigeenka Dekeda Berbera Omar Abokor, balse ma sheegin khasaaraha dabkaa ka dhashay inta uu leegyahay.
Markabkaa ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ka mid yahay  maraakiibta xoollaha u qaada   Ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri.
Dhinaca kala  Markabkab lagu magcaabo  Sea Star  oo  Xoolo siday, ayaa doraad  ku xumaaday badweynta u dhaxaysa Mukha iyo Berbera  ee duleedka baabal mandab, kaas oo galabta kusoo xidhay Dekedda Berbera, isagoo nabadqaba. kadib markii uu soo badbaadiyay markab leeyahay ganacsadaha carbeed ee Saleebaan Al-jaabiri oo la yidhaahdo Barko 5,  kaasoo kula kulmay Markabkaa oo laba cisho sabaynayay badweynta.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *