Hargeysa(ANN)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Fureh (Cilmi Kabaal), ayaa daboolka ka qaaday in ciidammada boolisku gacanta ku dhigeen waraaqaha madmadow ee doollarka foojariga ah laga sammeeyo, kiimikooyinkii lagu saifayn lahaa

 

iyo affar ruux oo falkaas loo qabtay.

Mr. Furre waxa uu sida ku sheegay war-saxaafadeed kooban oo lagu socodsiiyay Guddoomiyaha Baanka iyo saxaafadda, laguna ogeysiiyay Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo War-faafinta, kaasoo u dhignaa sidan;

“Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa affar xaashiyood oo ah nooca madmadow ee loogu talogalay in la sifeeyo lagana dhigo dollar foojari ah tiro kasta ha ahaatee iyo kiimikadii lagu sifaynayay oo ciidanka boolisku xalay ka qabtay guri ku yaala Hargeysa, isla shalayna Xamar lagala yimi laguna hayo affar qof oo ku eedaysan lacagtaas.

Waxaannu u tuhunsanahay inay gobollada kalena aad u gashay lacagtaas faalsada ahi si loogu naafeeyo dhaqaalaha dalka iyo hantida umadda in aanu tan oo kale idiinku soo wargelinno.

Sidaa daraadeed dadka aanu falkan ku hayno waxaannu si deg deg ah u horkeeni doona maxkamad si talaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Dhammaan saxaafadda dalka oo dhan waxaannu ka codsanaynaa inau ummadda Somaliland ka wacyigeliyaan si aan loo khiyaamayn oo dhaqaalahooda loo wiiqin.” Ayaa lagu qoraalka kasoo baxay xafiiska Taliska guud ee Bilayska Somaliland.
Dhinaca kale ciidamadda amaanka ayaa habeenadii u danbeeyay sameeyay hawlgalo dhinaca amaanka ah, kuwaas oo wadooyinka magaaladda caasimada ah ee Hargeysa iyo Kaantarooladaba ku ka waday baadhitaano ay ku hubinayaan gaadiidka iyo dadka saaran.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *